22nd December 2024 admin Category :
Beelaha ay ka soo kala jeedaan Allah ha u naxariistee Dadkii shalay alshabaab iyo SNM ku dileen buuraha Calmadow.
Maalintii shalay shirqoolkii ay wada sameeyeen Alshabaab iyo SNM ee dadkii Jaadka loo keenay lagu xasuuqay waxay ka soo kala jeedeen
Beelaha Axmed Harti, Tiinle Afar qof ayaa looga dilay iyo hal qof oo ka soo jeeda beesha Gabtaanle.
Beelaha Majeerteen. waxa shirqoolkii SNM iyo alshabab kaga dhintay sadex qof oo ka soo kala jeeda Cumar Maxamuud, Ciise Maxamuud iyo Cali saleebaan
Beelaha Warsangeli waxa weerarka argagixisada Alshabaab iyo SNM soo abaabuleen ee Jaadka lagu oo qariyey kaga dhintay laba qof oo ka jeeda beesha Dubays
Beesha Dhulbahante hal qof oo ku dhaawacmay weerarkan xulafada alshabaab iyo SNM ayaa Cisbitaalka ku dhintay
Beesha l’o jir iyagana weerarkan argagixisada waxa kaga dhintay hal qof.
Weearakii SNM iyo alshabaab soo qaadeen waxa ku dhaawacmay 35 u badan dumar iyo caruur, oo ag joogay meeshii qaraxu ka dhacay .25 ka mid ah waxa lagula tacaalayaa dawayntooda Cisbitaal ku yaal magaalada Carmo, Halka Tobon ka mid ah loo qaaday magaalada Boosaaso.
Inta degmada Ceerigaabo ee gobolka sanaag ay gacanta ugu jirto taageerayaasha Alshashabaab dilka iyo xasuuqa dadka aan waxba galabsan ee ree Puntland waa sii socon doonaa, Maalinta uu joogsanayo xasuuqa buuraha Calmadow waa maalinta taageerayaasha a alshabaab iyo hogaamiyahooda Ismaaciil xaji Nuur laga saaro degmada Ceerigaabo