29th March 2024  admin  Category :

Barlamaanka Puntland oo Aqbalay codsi Uga Yimid Madaxweyne Siciid Denni.

Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee dowladda Puntland oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Garoowe ayaa aqbalay codsi uga yimid Madaxweyne Saciid Deni oo ku aadanaa in loo kordhiyo waqtiga uu kusoo magacaabayo golaha Wasiirada.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa mudo 30-cisho ah fursad u heestay in uu kusoo magacaabo golihiisa Wasiirada, hasa ahaatee Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka ka dalbaday in mudo 15 cisho ah loogu daro waqtiga uu Wasiirada kusoo magacaabayo.

Xildhibaanada Maamulka Puntland ayaa cod u qaaday codsiga Madaxweyne Deni , waxaana ogolaaday in mudo 15-cisho ah loogu daro waqtiga magacaabista Wasiirada 45-Xildhibaan , waxaa diiday hal Xildhibaan halka 4-Xildhibaan ka aamuseen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*