26th July 2024  admin  Category :

Barkhad Cabdi: Jilaaga Soomaaliyeed ayaa lacag aad uga yar tan dhigiisa ka helay filmkii ay wada jileen

Jilaaga soomaaliga ah ee lagu magacaabo Barkhad Cabdi ayaa lagu xasuustaa in uu yidhi mid ka mid ah odhaahaha casrigan ugu caansan aflaamta dunida.

Weedha “Isoo eeg! Isoo eeg! Aniga ayaa hadda kabtanka ah” ayaa si weyn u baahday tan iyo markii filimka Captain Philips shaashadaha la saaray.

Waxaa se mar kale aad loo hadal hayaa sida filimkaa guulaystay aanu jilaagii ku caan baxay faa’iido badan ugu helin, marka loo eegi lacagtii uu sameeyey filimkaasi.

Halka dhanka kale,jilaagii uu caawinayey wax ka badan boqol laab inta uu qaatay Barkhad uu ka faa’iiday jilidda filimkaas.

Barkhad Cabdi, oo ka mid ahaa dadkii loo magacaabay billadda Oscar-ka si gaar ah tartanka caawiyaha ugu fiican ayaa keliya ku qaatay samayntii filimkaas 65 kun oo dollar, halkii Tom Hanks oo ahaa jilaagii koowaad ee filimkas uu isagu qaatay 15 milyan oo dollar.

Filimkan oo kharashka galay ahaa ku dhawaad 55 milyan oo dollar ayaa laga sameeyey ku dhawaad 300 milyan oo dollar.

Inkasta oo dhawr jeer ay hadal hayn abuurtay lacagta Barkhad, haddana dhanka kale filimkan ayaa Barkhad u ahaa kii u furay dunida aflaamta isla mar ahaantaana uu ku helay sumcad fiican xilli hore aanu u ahayn jilaa.

Barkhad ayaa waraysi BBC-du la yeelatay kal hore ku sheegay in filimkani ahaa kiisii u horreeyey. “Waxaan go’aansaday filimka ka dib in aan shaqadan sii wado; Waxaanan go’aan ku gaadhay in aan doonayo in aan Atoore noqdo balse wax shaqo ah ma hayn xilligii aan helayey shaqada jilidda filimka Captain Philips, mana aan lahayn waayo-aragnimo hore oo dhanka aflaamta ah”

Barkhad ayaa marka laga tago billadaha badan ee loo magacaabay waxa u uku guulaystay billado qaali ah oo ay ka mid tahay BAFTA.

Isaga oo sannadkii 2014 noqday caawiyaha jilaaga ee ugu fiicnaa sanadkaas ee filimka Captain Phillips.

.

Abaalmarinta BAFTA, waa abaalmarin lagu bixiyo dalka Britain balse caalami ah oo lagu abaalmariyo Filimaanta iyo jilayaasha ugu wanaagsanaa sanadkaas. Halkan ka eeg liista abaalmarinada.

Barkhad Cabdi ayaa u guuray Mareykanka, isagoo sii maray Yemen, xilligaas oo uu carruur markii uu dagaalkii sokeeye ka bilaabmay Soomaaliya.

Waayihiisa ku biiridda jilayaasha Captain Phillips ayaa ku bilaabatay su’aalo warqad ku daabacnaa, kuwaas oo uu Barkhad Cabdi dhammaantood kaga jawaabay ‘haa’ goob kasta – oo ay ku jirto xataa in uu been ka sheegay xaqiiqda ah inuusan dabaalan karin, ka hor inta dib ka baran markii u uku guulaystay jilidda filimka.

Markaa la xushay kaddib, waxaa halkaas ka soo baxay isaga iyo saddex wiil oo kale oo kala ahaa Faysal Axmed, Mahat M. Ali, iyo Barkhad Cabdiraxmaan – oo loo yaqaanay Little B – afartoodiiba waxa markiiba loo duuliyay Los Angeles si ay qayb uga noqdaan filimkii Paul Greengrass, oo ku saabsanaa waayaha budhacadda Soomaalida.

Barkhad ayaa maalinkii uu hawada soo galay filimkan uu ku caan baxay ka tagay shaqadiisii hore taas oo la shaqayn jirey walaalkii, halkaas oo uu xilliyada qaar taksiile ahaan jirey.

Kaddib filimkaas, waxa uu noqday adduunka oo dhan laga yaqaan, waxaana uu hadda leeyahay wakiil u haya shaqooyinkiisa la xidhiidha aflaamta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*