26th July 2024  admin  Category :

Bandar-beyla oo lagu Soo dhaweeyey Reer Guuraagii ugu badnaa

QARDHO – Degaanka Bander-beyla ee gobolka Karkaar ayaa ,waxaa ku qulqulaya reer guuraa farabadan kadib markii roobab lagu diirsaday ay ka da’een degmada iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Karkaar.

Weer guuraagan ayaa kasoo kala hayaamay gobolo kala duwan gaar ahaa Puntland iyo Somaliland ,iyadoona dariiqyada ay xanibeen gawaarida Waaraadada iyo gawaari kale oo sida reer guuraa maciin biday raxmada Eebbe ee halkaas ku shabby.

Dadka degaanka Bander-beyla ayaa si weyn usoo dhaweeyey reer guuraaga ,iyagoona ka caawinaya sidii ay u gaari lahaayeen goobaha naqa leh iyo weliba meelaha biyaha laga helayo.

Duqa degmada Bander-beyla Siciid Aadan Cali(Siciid Anteeno) ayaa dadka walaalahooda ah kusoo dhaweeyey degmada ,wuxuuna ku baaqay in si siman loo wadaago barwaaqada balse aysan dhicin seeraysi.

Hoos ka daawo Sawirada

1356789101112131416

Cali Dholayare
Sahan Online
Qardho,Karkaar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*