27th July 2024  admin  Category :

maalininmada berri ah ayaa siyasiyiinta Hawiye qorsheynayaan in Magaalada Muqdisho ay ka dhigaan Bannaanbaxyo waa weyn, iyaga oo adeegsnaya shacabka beeshooda oo ah beesha degta caasimadda Soomaaliya

Midowga Musharaxiinta beelaha Hawiye a ay diyaariyey Bannaanbax ballaaran oo ka dhici doona “Caasiamdda Soomaliya ee Muqdisho”, iyadoo hadda ay socdaan abaabul xooggan oo  dadka lagu war-galinayo in berri ay bannaanbaxa ka qayb qaataan.

Walow aysan jirin war si rasmi ah uga soo baxay Musharaxiinta mucaaradka ah, haddana waxaa jirta hadal hayn weyn oo ku aaddan in laga yaabo in ay dhacan bannaanbaxyadaasi lagu taageerayo Mushariixiinta mucaaradka ah, waxaana wararku intaas ku darayaan in bannanbaxa lagu muujin doono, sida shacabku u diidan yihiin Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Maxmed Farmaajo.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay billawday tallaabooyin lagu baajinayo Bannaanbaxa, waxaana ay Ciidamo ku diyaarisay goobaha ay si leedahay waxaa laga qorsheyn karaa bannaanbaxyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*