28th March 2024  admin  Category :

Bannaanbaxa ay dabada ka riixayaan musharixiinta fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa ah mid ay ku doonayaan ineey u isticmaalaan gorgortan siyaasadeed. Waxaan la soconaa in bannaanbaxii lagu ballansanaa in uu dhaco maalinta Sabtida ay joojiyeen musharixiinta kadib markii ay sidii ay rabbeen ka waayeen wadahadaladii u socday iyaga iyo ra’iisal wasaaraha.

Dalabkooda ayaa waxaa ka mid ahaa in wadahadalada dawladda iyo maamul goboleedyada u dhaxeeya laga qeeyb gelliyo iyaga, balse waxaa loo sheegay in aysan suurtagal aheyn. Intaa kadib, waxeey soo saareen in bannaanbixii ay joojiyeen iyagoo sheegay in ciidan la soo dhoobay meeshii ay ku mudaaharaadi lahaayeen.

Waxaan ognahay in lagu heshiiyey in dawladda ay illaaliso amniga dadka mudaaharaadaya, waxaana waajib ah in dawladda ay soo dhooboto ciidan meesha lagu mudaaharaadayo si loo sugo amniga, oo hadhaw aan la oran hadii ay wax dhacaan dawladda ayaa dayacday sugida amniga. Hadaba, hadii aan ciidan la keenin meesha lagu mudaaharaadayo, ma waxaa la keeni lahaa shaqaalaha kale ee dawladda si dadka mudaaharaadaya ay ugu qeeybiyaan cabitaan iyo bariis?

Runta waxeey tahay, musharixiinta waxeey doonayaan in ay tallada doorashada ay qeeyb weeyn ku yeeshaan, iyagoona rabba in doorashada ay soo diyaariyaan iyaga iyo maamul gobleedyada, meesha dhinaca dawladdana ay doonayaan in ra’iisal wasaaraaha uu ka soo qeeyb gallo. Ujeedkooda ugu weeyna waa sidii uusan Farmaajo wax saameeyn ah ugu yeelan laheen doorashada dhici doonta. Su’aasha is weeydiinta leh waxeey tahay, Farmaajo iyo iyaga oo aan cidina matalin yaa mudan in miiska wadahadalka uu soo fariisto?

Hadaba, marka horeba waxaa qalad weeyn aheed in wax la weeydiiyo musharixiin cid ay matalaan aysan jirin oo magaalada Muqdisho ka degan hoteelo. Dalka wuxuu leeyahay dawlad iyo maamul goboleedyo, iyaga ayaana sharciyad u leh in ay soo diyaariyaan sidii doorasho loo gelli lahaa. Mushariixinta waxaa loo ogolyahay ineey doorashada ka qeeyb qaataan maadaama dadka wax soo dooranaya ay yihiin baarlamaan qaab qabiil ah ku yimid oo cidii bixisa lacagna ay codka ugu shubi doonaan.

Gabagabada waxeey tahay, mudaaharaad aan qabaneeynaa iyo ciidamaan soo urursaneeynaa ma noqon karto wax  gorgortan siyaasadeed lagu geli karo, dalkana waxa uu leeyahay dawlad iyo maamulo iyaga ayaana sharciyad u leh ineey noo soo diyaariyaan doorashada, wixii intaa dhaafsiisan, waa cid dooneeysa in ay fulliso danaha wadamada shisheeye ee rabba in dalkaan uusan welligiis soo kicin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*