16th April 2024  admin  Category :

Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta xasaanadii ka xayuubiyey 8 Xildhibaan oo ka tirsanaa Golaha, kadib eedeeyn u soo gudbiyey Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland.

Fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye cabdirashiid Yuusuf JIbriil oo ay weheliyaan ku xigeenkiisa kowaad Hon, cabdicasiis Cabdulaahi Csmaan iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga oo Ajandaha ahaa dhageysigaHon eed uu Golaha wakiillada u soo gudbisay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland, tasoo laga soo gudbiyey 8 Xildhibaan oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada oo kala ah.1. Xil. Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed2. Xil. Saleebaan Faarax Ciise3. Xil. Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato)4. Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud ( Dhoore)5. Xil. Muuse Siciid Xassan6. Xil. Maxamuud Maxamed Barre7. Xil. Cabdicasiis Siciid Maxamuud 8. Xil. Maxamuud Axmed Caalin Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ku soo dhaweeyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Maxamuud Xassan Aw Cismaan oo golaha la wadaagay eed ka dhan ah Xildhibaannada kor ku xusan, waxa uuna codsaday in xasaannada laga xayuubiyo si dacwad loogu soo oogo, isagoo ku eedeeyey inay ku xad-gudbeen Dastuurka DPL iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.Ugu dambeyntiina 35 mudane ayaa cod gacan-taag ah ku oggolaaday, waxaana diidey 3 Mudane, halka uu ka aamusay 1 Mudane.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*