16th April 2024  admin  Category :

Baarlamaanka Puntland oo shir uga furmay dalka Nigeria

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa caasimadda dalka Naigeria ee Abuuja ayaa halkaasi shir uga furmay.

Waftiga uu hoggaaminayo guddoomiyuhu oo ay kamid ahaayeen  Xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo lataliyayaal Maanta ayaa waxay marti u ahaayeen Mac-hadka Xeer dajinta iyo Daraasaadka  Barlamaanka Dalka Nigeria  NILS (National Institute of Legislative Studies), iyo NASS (National Assembly ) oo ah Baarlamaanka Qaranka Nigeria.

Xaflad soo dhoweyn ah oo loo sameeyey guddoomiyaha iyo waftigiisa isla markaana lagu qabtay xarunta Xeer dejinta iyo Daraasaadka  Barlamaanka Dalka Nigeria  ayaa waxaa ugu horrayn ka hadashay Agaasimaha Guud ee Mac-hadka Prof. Ladi Hamalai.  Iyadoo sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay soo dhawaynta waftiga uu guddoomiyahu hooggaaminayo,  iyadoo intaas ku dartay  in ay tahay markii ugu horaysey taariikhda ee ay wafti Soomaali ahi soo booqdaan Mac-hadka.

Agaasimaha Mac-hadkaana ayaa Baarlamaanka Puntland u ballan qaaday dhinacyada tababarka iyo sidii uu baarlamaanka Puntland u yeelan lahaa Mac-had u gaar ah  tababarka Baarlamaanka Puntland, kaas oo xiriir dhow la yeelan doona Mac-hadka Tababarka dalkaani Nigeria.

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa uga mahadceliyey madaxda dalka Nigeria oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Barlamaanka Dalka Nigeria soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo waftigiisa.

Guddoomiye Xaashi ayaa ka war bixiyey xaaladda guud ee dalka Soomaaliya isagoona si gaar ah uga hadlay Puntland oo uu xusay in ay tahay deegaanada ugu nabdoon dalka uguna horumarka wanaagsan isla markaana ay doonayaan muddada ay joogaan dalkaani Nigeria in ay xoogga saaraan sidii ay xiriir wanaagsan u samayn lahaayeen taasina ay tahay sababta ay ku doorteen in ay halkaani yimaadaan.

Guddoomiyaha iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa muddo hal usbuuc aqoon kororsi u  sii joogi doona Dalka Nigeria. Mudadaas waxay kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaan  Guddoomiyaha Barlamaanka, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Nigeria. Kulamadaas ayaa la filayaa in ay kor u qadaan xiriirka ku dhisan iskaashiga dhinacyada tababaradda iyo tayaynta Golaha Barlamaanka Puntland iyo kan Dalka Nigeria.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*