27th July 2024  admin  Category :

Waxaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ay ansixiyeen golahii wasiirada ee uu dhawaan soo dhisay Ra’iisal Wasaare Khayre. Waxaana codka kalsoonida siisay 224, meesha ay diideen 15 ka mid ah xildhibaanada.

Waxaa fadhiga Baarlamaanka Federaalka shir guddoominayey Goddoomiye ku xiggeenka koowaad ee Baarlamaanka Ca/welli Muudeey.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Jawaari oo ay aheed in uu shir guddoomiyo fadhigii maanta ayaan iman isagoo ka soo horjeeda in la ansixiyo gollaha wasiirada, wuxuuna noqday shaqsigii ugu horreeyey ee dawaladda la soo dhisay kalla horyimid carqaladeen isaga oo ku doodaya in beesha Raxanweeyn ay dhaxal u lahaayeen in la siiyo wasiirka maaliyadda, balse la siiyay beesha Godobiirsi. Waxaa dhab ah maadaama Soomaaliya ay horrey u socoto in loo baahan yahay guddoomiye baarlamaan kaas oo aan u fakareen sidda Jawaari oo ku meereesanaya waxyaabo aad u yar oo caqabad ku noqon kara isbeddelka ka socoda dalka oo ay ugu weeyn tahay soo cellinta Sharafta Soomaaliyeed.

Isbeddelka dhacay waxaa ka mid ah in wasiirka arrimaha dibbedda oo loo magacaabi jiray inta badan dadka Isaaqa iyo Godobiirsiga maanta loo magacaabay beesha Hawiye, meesha wasaarada arrimaha gudaha oo waqtiyadii danbe loo magacaabi jiray beelaha Hawiye maanta la siiyey beesha Daarood. Soomaaliya uma baahna maanta fakirka wasiir aan dhaxal u laheen ayaa nalaka qaaday iyo faciis, balse Soomaaliya waxeey u baahan tahay isbeddel dhab si looga baxo dhibka, cudurada, gaajada, dawarsiga maalin walba taagan, nabad gelyo la’aanta iyo in ummada Soomaaliyeed loo abuuro shaqooyin.

https://youtu.be/gU-Ba3MXWHI

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*