29th March 2024  admin  Category :

Odayaash Irir samaale,oo qaarkood gacan saar la leh argagixisada Koonfurta Soomaalia ayaa ku baaqay in Soomaalida iyo beesha Isaaq ay wada hadlaan

Hoos ka akhriso kulamada Muqdisho ka socda oo ayna ka mid ahayn bulshada ka soo jeeda gobolada Sanaag iyo Sool

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta kulan la qaatay guddiga gobalka Banaaadir ee qaban-qaabada munaasabada toddobaadka Xorriyadda dalka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddiga oo ay qayb ka yihiin Xoogagga Wadaniyiinta ku ammaanay shaqada wanaagsan ee ay hayaan iyo sida ay bulshada isugu xirayaan, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay laba jibbaaraan dadaallada wacyi-gelinta Bulshada ee loogu diyaar garoobayo xuska sannad guurada 59-aad ee xoriyadda dalka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo sheegay in xoogagga wadaniyiinta ee qaybta ka ah guddiga ay hormuud ka yihiin hagaajinta Bilicda iyo adkaynta amniga caasimadda, ayaa kula dardaarmay in ay xoojiyaan qaybta kaga aadan xuska toddobaadka Xorriyadda iyo midnimada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa kulanka ka sheegay in dadka Soomaaliyeed ay magac iyo sharaf ku leeyihiin Soomaalinnimada, sidaa darteed ay muhiim tahay qof waliba oo Soomaaliyeed uu ka qayb qaato xuska iyo waynaynta munaasabadaha muhiimka ah iyo dib-u-soo noolaashada Soomaalinnimada iyo dib-u-soo kabashada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*