26th April 2024  admin  Category :

Baaq: Gurmad iyo Gargaar ku aadan Fatahaada Qardho.

Tixraax: PDF/0175 Taariikh: 28 April 2020

www.puntlanddiasporaforum.org info@puntlanddiasporaforum.org

Inaa-lilaahi wa inaa Ilayhi raajicuun. Waxaa Gollaha Qurba-joogta Puntland (PDF) ka tacsiyaynayaan khasaarihii naf iyo maal ee ka dhacay maagaalada Qardho iyo agagaarkeeda. Samir iyo iimaan Ilaahay gidigeen siiba qoysaskii geeridu ku dahacday haka siiyo, intii ku dhimatay biyahaasna waxaan u rajaynaynaa inay helaan bishaaradii uu nabigeenu (SCWS) inoo sheegay “Qofkii biyo liqaan (ku harqada) waa shahiid,” Saxiixul-Muslim.

Biyahaas xooga iyo xowliga badana waxay sidoo kale dhibaato baahsan u geystiin xoolodhaqatadii dooxooyinka Qardho u dhow deganaa.

Sida la wada maleyn karo waxa musiibadan ka dhashey baahi balaadhan, mid deg-deg ah oo dhow iyo mid dheer oo dadka iyo deegaankaba ku soo aadan.

Waxaa mahad-naq mudan dadka reer Puntland, Dowlad iyo Shacaba, sida deg-degta ah ee ay ugu soo gurmadeen walaalahooda ku waxyeeloobay dhibaatadan. Hadaba, maxaa Soomaalida kale siiba Qurba-joogta la gudboon?

PDF waxay ku baaqaysa:

1. in qof kasta oo Muslinimo ama Soomaalinimo ku jirto uu ka qayb-qaato gurmadka iyo gargaarka ka socda magaalooyinka aad ku nooshihiin, hadii aysan ka jirina ay ayagu bilaabaan.

2. Ogow waa bishii barakaysnayd ee Ramadaan ee uu Allah sadaqada iyo xasanaadka adoomihuusu baxsadaan si aan xad lahayn uga abaal marin jiray.

3. Ugu danbayn, waxaan dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland ku dhiiri gelinaynaa si dhaqaalaha loogu yaboohay dadka tabaalaysay u gaaro dadkii loogu talagalay, isla markaana si fiicana loo agaasimo gargaarkan, in hal guddi oo ka kooban dowladda, culimadda, indheergaradka deegaanka iyo ururrada bulshada la sameeyo loogana danbeeyo howshaan hogaankeeda dowlada Puntland.

Puntland Diaspora Forum (PDF) – Media and Public Relations Office

allsanaag.com, news@allsanaag.com

One thought on “Baaq: Gurmad iyo Gargaar ku aadan Fatahaada Qardho.

  1. Haliye

    Waa talo fiican maasha Allah.
    Allsanaag waa mahadsan tihiin.
    Reer Puntlandnow iyo Soomaaliweyn oo dhan yaan reer Baardheere la hilmaamin waa dad masaakiin ah oo aan waxba haysan go’doon biyo iyo colaad u dheer tahay

    Reply

Leave a Reply to Haliye Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*