27th July 2024  admin  Category :

AWOOD QAYBSIGA DEGMADA BOOSAASO WAA MUHIIM. By: Abdallah Farah Bile


Marka hore, awood qaybsigu waa wax wanaagsan maxaa yeelay wuxuu gacan ka geysanaya yareynta suurtagalnimada isku dhac dhexmara bulshada.

Maaddaama isku dhaca bulshada uu badana horseedo rabshado wata burbur iyo xasillooni darro siyaasadeed, awood qaybsigu waa habka ugu wanaagsan oo lagu xaqiijin karo xasilloonida iyo kala dambeynta siyaasadeed. Awood qaybsiga caddaalad ku salaysan waa mishiinka dhaqaajinaya dimoqraadiyadda, waxaana ka mid ah sharciga dimoqraadiyada in awooda ay wadaagaan kuwa ay saameynta ku leedahay ama ay khusayso hawsheedu saas darteed bulshada degan degmada Bosaaso iyo, tuulooyinka hoos yimaada maamulkeeda lama xaqiri karo xaquuqdooda.

Balse, ciddiii si-uun ama siyaabo kale isugu da’ya inay Boosaaso u dejisato qorshe beelaysan oo baal-marsan shuruucda iyo xuquuqda deegaanka, hubaashii kuwaasi kama shaqaynayaan amniga Boosaaso laakiin waa fidmawadiyaal daaraya fidnada, ha layska jiro. Ugu dambayntii, dadka deegaanka degmada Boosaaso loogu yimi waxay xaq u leeyihiin in lagala tashado sida ay u rabbaan in loo xukumayo waa haddii xukuumadu rabto in laga wada-shaqayo xasilloonida.

Allah mahad leh. Abdallah Farah Bile

ALLSANAAG>COM NEWS@ALLSANAAG.COM

One thought on “AWOOD QAYBSIGA DEGMADA BOOSAASO WAA MUHIIM.

  1. Guuleed

    Waa fakar ku salaysan nadaam fiican oo ilbaxnimo ah laakiin Somali waa badow aan sida umaduhu u wada noolyihiin

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*