28th March 2024  admin  Category :

Tuulada Ceeldaahir ee Gobolka Bari ayaa maanta waxa lagu dilay Askari ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland,iyadoona uu dilkaasi geystay Askari kale oo ka tirsanaa isla Ciidanka Puntland qeybtooda Gobolka Bari.

Askarigan dilka geystay ayaa rasaas ku furey goob uu fadhiyey Marxuumka geeriyooday,iyadoona rasaastu uu furay ay sidoo kale gaadiid badan wax yeeshay.

Lama oga sababta uu askarigan dilka u geystay,balse dad aaga ka agdhowaa ayaa sheegaya in muran uu dhexmaray Labadan Askari.

Askarigan Dilka geystay ayaa kasoo jeeda degmada Dhahar ee Xarunta Gobolka Hayland ,halka askariga geeriyoodayna uu kasoo jeedo Degmada Qardho ee Gobolka Karkaar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*