26th December 2024 admin Category :
Dagaal SNM lala galo waxa ka fudud in marka hore Wiilshan Badhan jooga inta hubka laga qaado xabsiga la wada dhigaa ama magaalada laga saaraa.
Nimanka beelaha Isaaq ugu magcaaban, Wasiirka dagaalka, gudoomiyaha gobolka, gudoomiyaa degmada, Taliyaha ciidanka, Iskuduwaha waxbarashasda, iyo kuwa hadda muuqaalka hoose ku sheegaya inay Caare ka soo laabteen,dhamaantood degmada Badhan ayeey ka soo jeedaan, oo loogu ogolyahay inay ka sheegaan ama hadalaan hadalo lid ku ah amniga, taariikhda, sumcadd iyo sharafta bulshada reer Maakhir guud ahaan.
Dhalinyarada ugu badan oo difaaca Buuraha Calmadow ku dhimatay iyaga oo la dagaalamaya argagixisada alshbaab degmada Badhan ayeey ka soo jeedaan. Bulshada ugu badan ee lacag ku bixisay iyaguna Jidka Ceela Daahir degmada Badhan ayeey ka soo jeedaan. Looma dul qaadan karo in afartan wiil ay afduubtaan rabitaanka Bulshada Reer Maakhir, iyaga ay Odayaal ku lacag qaataan.