26th July 2024  admin  Category :

Weerardii Shabaab iyo Shacabka Galkacyo oo 25-km ugasoo haray Maleeshiyadii

Ciidamada Difaaca Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland ayaa galabtay waxaa u suurta gashay in ay kasaaran kooxihii huwanta ahaa ee Al-Shabaab iyo Galmudug ee weerarka kusoo qaaday shacabka Puntland dhamaan meelihii ay gabaadka ka dhiganayeen.

ugu horentii waxaa Galmudug laga qabsaday farisiimihii ay ku lahaayeen agagaarka laamaha ee duleedka Garsoor, waxaana cagta la mariyay goobo badan oo kooxahaan gabaad ka dhiganayeen.

kooxaha huwanta ayaa saaka qoryo saartay Qudbi Masjid oo halkaasi ku yaala iyo Haanta biyaha ee isbitaalka koonfurta ee Gaalkacyo, waana laga saaray ayadoo ay burbur soo gaareen goobahaasi.

Maleeshiyaadka Galmudug Ayaa isuku uruur sanaya goobo fog Fog oo aad uga durugsan magaalada. Gaar ahaan halka loo yaqaan dalcada sare ee ka fog laamaha.

waxaa wararku ay sheegayaan in tabari ay halkaasi dhigtay oo gabaabsi ka yihiin saadka dagaalka.

Waxaa gabi ahaanba joogsadey gurmadkii uga imaanayay xaafada baraxlay kadib markii gudaha loo galay taasina waxay keentay inay gabaabsi ka gasho saadkii iyo agabkii dagaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*