27th April 2024  admin  Category :

Allah ha u naxarsiitee  Jaamac Saxardiid oo ay shalay  koox afka u soo duubtay ay ku dhaawaceen magaalada Boosaaso, ayaa mar dhowayd dhaawaciisii ugu geeriyooday Cisbitaalka Boosaao.

Allah ha u naxariistee Jaamac Saxardiid, oo aan sida fulayda argagixisada ah  aan  wejiga  duuban jirin ,  ayaa ka mid ahaa saraakiishii la socday Allah u naxariistee  madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf  maalintii  albaabada u furay Villa Soomaaliya oo dawladnimada hadda jirta dib loo soo celiyey . Ka dibna waxa loo xilsaaray amniga magaalada Kismaayo ilaheeda dhaqaalaha sida dekadda in uu ka ilaaliyo nabad diidka iyo  Qaran diidka

Sanadkan aynu ku jirno Marxuum Jaamac Saxardiid,  isaga oo aan is qarin wejigana soo duuban  geesinamana muujiyey ayuu ka difaacay bulshada Puntland cadow badan oo  uu ka soo duulay. Wuxuu ka mid ahaa saraakiishii  hogaaminayey ciidamaddi  jebiyey argagixisadii duulaanka ku soo qaaday gobolada Nugaal iyo Mudug, Wuxuu la mid ahaa Saraakiishii baacsaday oo kala didiyey   in Somaliland diiwaan gelin ka bilaabaan gobolka Sanaag. Hadda, dhowaan  waxa uu ka soo noqday Bariga gobolka Bari iyo degmada Qandaka, isaga oo ka mid ahaa Saraakiishii halkaa ka xoreeyey argagixisada fulayda ah

Allah u naxariisto Jaamac Saxardiid wuxuu ahaa geesi aan gaban difaaca dadkiisa iyo dalkiisa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*