7th September 2024  admin  Category :

Allah  ha u naxariistee Garaad Cali Buraale Xasan oo Xalay Alle wayne ku oofsaday magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool Wuxuu ku dhashey  Meel la dhaho BAARAAN , oo ah halka ay hadda tahay magaalada Kalabaydh oo Laascaanood kaga began dhanka Koonfureed 35 Km  sanadkii 1931 .

Aabihii Waxaa la odhan jira Buraale Xasan Shiil  , Hooyadiina waxaa lagu garan ogaa Xooshey Geesood .

Garaadku Waxaa ay waalidkii soo barbaariyeen illa uu ka 18  jirsaday , Waxaana uu ku soo barbaaray Miyiga Koonfurta magaalada Laascaanood  . Sanadkii 1950 Bishii Dicember Waxaa uu Garaad Cali Buraale Xasan uu galay waddanka Jabuuti isaga oo aan da’diisu gaadhin 20  jir , Waxaana uu halkaasi kula kulmey Nin lagu magacaabi jiray Faarax Ciise oo lagu naanaysi jiray ‘Qaaje’ oo ka mida ahaa Saraakiishii Soomaaliiyeed ee ka qayb galay dagaalkii 2 aad ee aduunka isla markaana la guddoonsiiyey billad Sharaf geesinimo xilligaa , Waxaa wehliyey Garaad xilligaa uu galay magaalada Jabuuti Nin kale ay isku meel ka wada tageen isla markaana ka wada mid noqdeen Ciidamada.

 

Kulankii iyo is barasho ka dib waxaa uu Faarax Ciise ‘Qaaje’ uu toodbaad ka dib ku daray Garaad ka  Ciidamada Isticmaarka ee Faransiis ee halkaa ku sugnaa . Waxaana uu ka mid ahaa Ciidamada Police ee Faransiiska ee Waddankaa Jabuuti muddo 26 sano ah .

 

1975 Waxaa ay ku wargeliyeen Garaadka Hogaankii ugu sarreeeyey ee Ciidamada Faransiiska in marka Calanka xorriyada la siinayo waddanka Jabuuti  inuu u diyaar garoobo qabashada xilka loo magcaabi doono oo ah Hogaaanka ugu saareeya ee Ciidamada Jabuuti.

 

Balse , Garaadku Waa uu iska diiday in uu qabto xilkaasi , Waxaana uu noqday hawl gab ah madaama muddo badan uu ka shaqaynayey Ciidamada . Mudadaa ka dib  Garaadka Waxaa uu ka bilaabay ganacsiyo kala duwan  Magaaloyinka Muqdisho  Arabsiyo iyo   Hargeisa .

 

1986 dii Dawlada Millitary ga ee Soomaaliyeed waxaa ay guddoonsiisay abaal marin Billad Maar  ah oo lagu guddoonsiiyey guulo uu ka gaadhay ganacsigiisa iyo waliba u hogaansan sharciyo ganacsiyeed oo ay dawlada Soomaaliyeed ee xilligaasi soo rogtay isla markaana ku abaal marisay siduu u uga soo baxay Fulinta Sharciyadaasi .

 

Garaadku Wuxuu  uu guursaday  Shan Xaas , oo midi ay kala tageen , Waxaa uu Alle ku arsaaqay Garaadka 35 Caruur marka laga reebo inta dhimata kuwaa oo  isugu jira Wiilal iyo Hablo , (14 Wiilal & 21 Waa Hablo) .

 

Taranta Garaad Cali Buraale Xasan marka la isku daro Caruurtiisa iyo Waxa ay sii dhaleen waxaa ay ka badan yihiin 100 Caruur ah .

C/Raxmaan Maxamed Axmed Nuur oo ka mid ahaa Dadkii ay mudada dheer wada noolaayeen oo ka hadlaya Garaadka ayaa yidhi :

‘Waxaa uu ahaa addoon Alle , Cibaado badan , Naxariis badan , Xarago badan deeqsi ah , Hawlkar ah , Xishood badan iyo waliba Nabadoon ka shaqeeya heshiisiinta Beelaha Waxaa kaloo uu ku caan baxay Samafalka Waalidkii  iyadoo xilliyadii uu ka shaqayn Jirey Jabuuti uu sanadkii hal bil uu fasaxa ugu Imaan jiray Waalidkii , oo ku noolaa magaalada Domc ee  gobolka Cayn , Waxaana uu ugu lugayn jiray Buuhoodle iyo Burco Maadaam xilligaasi aaney jiray gaadiid lagu safro   ‘ .

 

Sidoo kale , Garaadku wuxuu dhisay goobo Waxbarasho oo ay ka mid tahay Xarunta Agoonta ee magaalada Laascaanood waxaana uu dhisay 1997 , halkaa oo ay maanta wax ka bartaan 300 oo caruur agoon ah . Sidoo kale waxaa uu goobo waxbarasho oo isuggu jira  Malcaamado iwm , kuwaa oo uuka hirgeliyey maglooyin ku yaalla gobolka Sool .

1999 July 29 Waxaa ay Beesha uu ka dashey Garaad Cali Buraale Xasan  (Cabdi Garaad ) ay u boqratay  inuu u noqdao Isimka  ay ka amar qaadato Beesha , Waxaana lagu caano shubay Magaalada Dharkayn-Geenyo oo ku taalla koonfurta gobolka Sool  . Waxaana ka soo qayb galaya Caan shurka Marxuumka -Alle ha u naxariistee- dhamaan Isimada dhaqanka ee gobollada SSC , oo uu ka mid ahaa Garaad C/Qani , Garaad Saleebaan Garaad Maxamed , Garaad Abshir Saalax-Alle ha u naxariistee- , Garaad Ismaaciil  Garaad Ducaale , Garaad Soofe iwm .

Garaadka Waxaa uu ku noolaa magaalada Laascaanood Sanadihii ugu danbeeyey , Waxaan uu ku geeriyooday magaalada Laascaanood 03-02-2018 abaaro 2:08 Pm , Isaga oo Tukanaya Salaatu-Layl , Shahaadana ku dhawaaqaya .

Ururinta Taarikhdan Waxaa laga diyaariyey : C/Raxmaan Maxamed Axmed Nuur

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*