29th March 2024  admin  Category :

Allah  ha u naxariistee waxaa magaalada London ee dalka Ingriiska ku geeriyoodey Eng. Abshir Muuse Siciid. Marxuuma ayaa xsanuunsanaa muddooyinkii danbe, 11 maarso ayuu dib ugu soo noqday Soomaaliya kadib markii xanuunku ku soo batey.

Eng. Abshir Muuse Siciid ayaa leh taariikh dahabi ah, waxa uu ka mid ahaan jirey ciidamadii Soomaaliya oo uu ka gaarey Korneyl, muddo dheer waxa uu ahaa Agaasimihii Wakaalada Konrontada ee Ummadda Soomaaliya, kadib burburkii Dowladdii Soomaaliya waxa uu kamid noqdey Hoggaankii gobolada Waqooyi Bari oo markaas ay ka talineysey jamhaddii SSDF oo mar noqdey guddoomiyaha Golaha dhexe ee Jamhadda.

Eng. Abshir Muuse waxa uu kamid ahaa asaasayaashii Puntland khaasatan kuwii dhigey dhagixii u horeeyey ee diyaariyey dhismihiisa, waxaa si weyn loogu xusuustaa waxqabadka ENEE oo kamid ah dhaxalka fara kutiriska ah ee ka harey Dowladdii hore ee markaas ku yimid saxiixisa, sidoo kale waxaa lagu xusuustaa sida loo maamuley ee ilaa maanta ay yihiin kuwo hormarsan.

Taariikhda Marxuum Eng. Abshir Muuse Siciid waxaad ka daalacan doontaan Horseed Media iyada oo faahfaahsan.

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun, dhamaan bahda ALLSANAAG waxay tacsi u dirayaan qoyska reer Siciid Cismaan ee marxuumku ka baxay, iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed, xaasaskiisi, caruurtiisi gaar ahaan Cismaan, Guuleed iyo Bashiir, rabbi ha u anxariisto Abshir Muuse Siciid waxa uu ka harey odoyaashii hore ee Soomaaliya ee u soo jogey taarikhda dalkaani soo amray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*