27th July 2024  admin  Category :

Alasheekh waxa bedelay Damul jadiid dhiiga cusub

Nov 2, 2012

Madaxweynah Soomaaliyad, Oo gacanta u galay Koox DiimeeD la yihaado Damul-Jadiid (DHiiga cusub).

(ALLSANAAG) Akhristayaal waxaan doonayaA inaan Maqaalkan ku ifiyo Xaalad aysan in-badan oo Soomaaliyeed ka war-heyn.

Akhristow sida aan la wada socono Maanta Soomaaliya waxay  yaalatay Dowlada Federal oo cusub waxana Dowladaas Madaxweyne looga dhigey, Hassan Sheekh Maxamuud.

Sida aan la wada socono mudooyinkii ka danbeeyay Dowladii Cabdulaahi Yuusuf AUN waxaa masraxa Siyaasada Soomaaliya lagu dhex-arkey Kooxo iyo Shakhsiyaad Islaamiyiin ah balse aan Maamul Dowladeed kasoo shaqeyn.

Bal aan dib u eegno Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Iyo Kooxdiisi Aala-Sheekh. Sida aan la wada soconey Ex-Madaxweyne Shariif, waxaa Xafiiskisa iyo Jagooyinkii dalka uu ka safey Xarkada Aalasheekh, Akhriste Shariif Axmed waxa uu Madaxweyne u ahaa Ummada Soomaaliyeed ee uma ahayn Madaxweyne Koox iyo Urur, nasiib-daro waxa ey taasi keentay in Kooxdii Aalasheekh ey gacanta u gasho taladii dalka, waxana Ragii talada maroojiyay kamid ahaa, Cabdikariim Hassan Jamac, oo isagu ahaa Maskaxdii Aalasheekh.

Sidoo kale waxaa iyana jirey rag aad ugu dhowaa sida Daahir Maxamuud Geele, oo ay Jifi hoose wadaagaan Shariif, Kooxdii Aalasheekh, waxa ey horseedeen Nidaam ku cusub Siyaasada Soomaaliya waxana ey ku takari faleen awoodihii dowlada Soomaaliya, waxa ey sidoo kale qaateen Qandaraasyo badan oo uu siiyay Shariif Axmed.

Hadaba xagey ku danbeeyeen Kooxdii Aala Sheekh iyo Shariif, waxaan la wada soconey sadax maalin ka hor Doorashadii 10/09.2012.

Shariif waxa uu kala direy Ragii u maamulayay Ololihiisi doorasho, uuna hormuud ka ahaa Abdikariim Hassan Jaamac oo imka caro iyo ciil ku jooga U.S.A, Iyo Daahir Maxamuud Geele, waxana uu Shariif filan waayay in Kooxdii Aalasheekh ey u keeni waayeen codod iyo Xildhibaano, taa badalkeeduna ey keentay inuu u magacaabo Ololihiisa doorasho Nin aan aheyn Xarakada Aalasheekh, waa Fiqi oo horey u ahaan jirey Wasiirka Gaashandhiga Dowladii Farmaajo.
Madaxweynah Soomaaliya, Hassan Sheekh Maxamuud, Oo gacanta u galay Koox Diimeen la yihaado Damul-Jadiid

                    Hassan Sheekh Maxamuud VS   Kooxda Damul-Jadiid.

Aakhriste sida aan la wada socono Madaxweynaha cusub ee Dowlada Federal ka Soomaaliya, Hassan Sheekh Maxamuud, ayaa hada gacanta u galay Koox Diimeen horey uuga tirsanaa Ururka Al-Islaax, oo imka lagu magacaabo Damul-Jadiid Dhiiga cusub.

Kooxdan imka ku dhigtey Taladii Dalka, ayaa qeyb-weyn ka qaatay ololihii Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, waxana ey ku baxsheen Wakhti iyo Dhaqaale, Kooxdan yaa kamid ah?? Kooxdan oo uu hormuud ka yahay, Cabdikariim Guuleed, oo beel-ahaan ku dhow Cadow iyo Cabdi-qaybdiid, ayaa ah Nin aad u necab Puntland aadna loogu yiqiiney colaada Puntland ka dhanka ah, Ninka kale ayaa ah, Fahad-Yaasiin, oo isagu ah Wariyaha Al-Jazeera ee afka carabiga, beel ahaana kasoo jeeda, Reer Aw-Xassan, Fahad ayaa isagu aamisan fikirka Centeralisim ka, waxana uu Fahad kamid yahay Dadka aad u necab Puntland, Akhriste Fahad Yaasiin, waa Wariyaha Aljazeera ee aan wali booqan Puntland, Ninka Sadaxaad ahaa la dhahaa Faarax, waxana ey beel hoose wadaagaan Fahad Yaasiin,
oo ah Reer Awxasan, Faarax ayaa isagu ah Ninka gacanta ku haya File iyo Diiwaanka Madaxweyne Hassan Sheekh.

Hadaba Ummada Soomaaliyeed ma waxa ey doortay Madaxweyne u dhaxeeya, mise waxa ey doortay Madaxweyne qaba fikir Kooxeed iyo mid gaar ah. Madaxweyne Hassan Sh. Maxamuud, ayaa imka u muuqda nin u gacan galay Kooxdan Diimeedka ah ee Damul-Jadiid, Sida lagu soo waramayo Xafiiska Madaxweynaha ayaa laga dhaarshey Qof aan ahayn Damul-Jadiid, Caawa oo ey bishu tahay 23.09.2012.

Waxaa Magaalada Mogadishu ka socda Shir ey lee yihiin Kooxdan Damul-Jadiid, iyagoo ku gorfeynaya Raisal-Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxana ey dadka qeybtii eyba durba sheegeen iney magacaabi doonaan Nin aad ugu dhow kooxdan. Akhristayaal Ummada Soomaaliyeed horey ayay uuga daashay Koox iyo Hogaamiye talada dalka maroorsada, waana midii keentay in Hogaamiye yaal badan ey ku fashilmaan hogaanka dalka, Madaxweyne Hassan Sh. Maxamuud waxa uu la kulmayaa dhabar-jab Siyaasadeed iyo Fashilaado badan.
Hadii  uu dhagtiisa siiyo Koox Diimeed, aan laheyn Khibrad maamul iyo mid Dowladeed. Dad badan oo aad ugu xeel-dheer Siyaasada Soomaaliya ayaa durba hoosta ka xariiqey in Siyaasada cusub ee Madaxweyne Hassan Sh. Maxamuud ey hada ku socoto burbur iyo Niyad-jab, waxaase la sugayaa meesha lagu furi doono Heeryada Siyaasadeed ee Madaxweyne Hassan Sh Maxamuud.
ALLSANAAG.COM, NEWS@ALLSANAAG.COM

Qoraa Sare Xirsi Faarax.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*