26th July 2024  admin  Category :

Al-Shabaab waxaan kula dagaalami doonaa degaanada ay ka joogaan K/Soomaaliya

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug Gen. Muumin Cabdi Shire, oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Gaalkacyo ayaa si adag uga hadlay Qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu dilay Guddoomiyihii Gobalka Mudug Marxuum Axmed Muuse Nuur-yare.

Taliye Muumin ayaa wacad ku maray inay cagta marin doonaan maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab, sidoo kalena ay ku ugaarsan doonaan degaanada kale ee ay kaga sugan yihiin Koonfurta Soomaaliya, isagoona intaas ku daray in aysan nabad ku seexan doonin Gaalkacyo cid kasta oo wax ka ogeyd dilka Guddoomiye Axmed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*