26th July 2024  admin  Category :

Doorashada Jubaland ayaa si guul ah ku soo dhammaatay, waxaana ku guuleeystay Madaxweeynihii horre ee Jubaland Ahmed Madoobe.  Ahmed Isaam ayaa ku guuleeystay 56 cod, meesha Canab Maxamed ay heshay 17 cod.

Doorashadan oo aheed mid ka soo gudubtay caqabado badan oo ay soo abaabuleen kooxda Nabad iyo Nolol ayaa damacoodii guracnaa la fashiliyey. Hadaba, Farmaajo iyo Kheeyre ayaa xusul duub ugu jirta sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen maamulada ka jira dalka oo dhan, iyagoo adeegsanaya wax kasta.

Kooxdan ineey dalka burburiyaan u soo tafaxeetay ayaa doorashadii Baydhabo keensaday musharax Laftagareen, iyagoona soo adeegsaday ciidanka Itoobiyaan oo u soo xira musharixii ugu cadcadaa ee Mukhtaar Rooboow si doorashada uu ugu guuleeysto Laftagareen. Laftagareen ayaa la soo siiyey lacag, ciidan, iyo gawaarida aan xabadaha karin, waxaana doorashadaas ku naf waayey dad gaaraya 15 qof kuwaas oo ka soo horjeeday doorashada aan xallaasha aheen ee dabada ay ka riixayeen Farmaajo iyo Kheeyre.

Hadaba, in Jubaland lagaga guuleeysto kooxda Nabad iyo Nolol waxeey ka dhigantahay guul aad u weeyn, waana in laga hortaa fakirka guracan ay dalka ku burburinayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*