29th March 2024  admin  Category :

Siciid Cali Muuse, sunta ina Biixi iyo Sanaadiiqdii SNM ayy hadaaftimo keenay Cabdirashiidna Mashaariic horumarineed

Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa maanta gelinkii hore 23 Nov 2017 ka dhagax dhigay magaalada Hadaaftimo Saldhig Boolis kaas oo qayb ka ahaa todobo saldhig oo laga hirgelindoono todoba magaalo oo kamid ah gobolka Sanaag.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa waxaa dhagax dhigga saldhigga Booliska magaalada Hadaaftimo ku wehelinaayey Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon, duqa degmada Hadaaftimo, taliyayaasha ciidanka Booliska iyo Daraawiishta ee gobolka Sanaag  iyo xubno ka tirsan xildhibaanada golaha degaanka degmada Badhan.

Agaasimaha iyo weftiga uu hogaaminayey ayaa kahor inta aanay dhagax dhigin Saldhigga waxa ay kulan laqaateen duqa degmada Hadaaftimo iyo waxqaradka magaaladaasi, waxaana uu Agaasime Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl  sheegay in u jeedada safarka isaga iyo weftigiisa ay tahay hirgelinta xarumaha dawladda ee lagama maarmaanka ah, isla markaana waxa uu cadeeyey in dawladda Puntland diyaar u tahay inay wax ka qabato tabashada ay qabaan shacabka reer Hadaaftimo.

Sdioo kale Agaasime Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa tilmaamay in magaalada Hataaftimo tahay meeshii ugu horaysey ee laga shaqo bilaabayo madaama ay tahay magaalo qadiimi ah, magaalo baahiweyn u qabta hirgelinta dhismaha saldhigg Boolis, waxaana uu ku booriyey waxgaradka magaaladaasi inay wada shaqayb dhow layeeshaan shacabkooda iyo dawladdoodaba si ay uga guulgaadhan wax kasta oo horumar u ah shacabkooda.

Dhinaca kale Agaasime Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo kahadlay goobtii dhagax dhigga saldhigga ayaa hoosta ka xariiqay in manta saldhiggii ugu horeeyey laga dhaqax dhigay magaalada Hadaaftimo, waxana uu tilmaamay Agaasimuhu in fekerka iyo hirgelinta todobada saldhig ee laga hirgelindoono todoba magaalo oo kamid ah gobolka Sanaag uu lahaa Xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isla markaana waxa uu shacabka magaaladaasi uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay u qaabileen isaga iyo weftigiisa.

“Waxaa runtii farxad weyn ah in aan maanta saldhiggii ugu horeeyey todobadii saldhig ee aan ugu talagalnay in laga hirgeliyo gobolka Sanaag dhagax dhigno, taas oo ah qorshihii xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland uu usoo qorsheeyey in todobadaa saldhig lagu soo afmeero dhismohooda muddo 45 cisho ah, runtii waxaan uga mahadnaqayaa Madaxweynaha oo fekerkan iska lahaa, saldhiggii koowaadna waynaga 23 Nov 2017 magaalada Hadaaftimo ka dhagax dhignay, insha Alla waxaan rajaynaynaa in 45 cisho kadib xiligan xiligiisa aanu xadhigga ka jarno iyadoo ay u dhan yihiin ciidankiisii iyo qalab xafiiseed kiisiiba” ayuu yiri Agaasime Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

Duqa degmada Hadaaftimo ayaa dhankiisa tilmaamay in ay tahay markii ugu horeysey ee magaalada Hadaaftimo laga hirgeliyo dhismaha saldhig Boolis, waxaana uu Madaxweynaha dawladda Puntland uga mahadnaqay hirgelinta saldhiggaasi, Duqa degmada Hadaaftimo ayaa sidoo kale tilmaamay in shacabka magaalada Hadaaftimo yihiin kuwo u heelan sidii ay uga shaqayn lahaayeen horumarka magaaladooda iyo guud ahaanba degaamada hoosyimaada.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag,  taliyayaasha Booliska iyo Daraawiishta ee gobolka Sanaag ayaa dhankooda shacabka magaalada Hadaaftimo uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay uga soo baxeen waajibaadkooda shaqo, waxaana ay tilmaameen in shacabka magaalada iyo maamulkooduba yihiin dad la-deris ah xadaaradda, horumarka iyo indheer garadnimo, isla markaana ah kuwo si wadajira uga wada shaqeeya horumarinta magaaladooda.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*