25th October 2024  admin  Category :

Afhayeenkii Hore ee Barlamaanka Puntland oo Saaka Garoowe Ku Geeriyoodey.

Allaha u naxariistee waxaa saaka magaalada Garoowe ku geeriyoodey afhayeenkii hore ee barlamaanka Puntland soona noqday wasiirkii wasaaradaha howlaha iyo Kalluumaysiga xukuumaddii Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Marxuum Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa wararku sheegayaan inuu si kedis ah u xanuunsaday habeenkii xalay ahayd, isla markaasna goor dhaw uu ku geeriyooday magaalada Garoowe, isagoo la doonayay in loo qaado magaalada Muqdisho.

Marxuum Cabdirashiid Maxamed Xirsi wuxuu kamid ahaa Asaasayaashii Puntland, wuxuu soo noqday Xildhibaan, Gudoomiye baarlamaan iyo Wasiirkii ugu dambeeyey ee wasaaradda Howlaha guud oo uu xilka wareejiyey sadex bilood kahor markii laga guuleystay Xukuumadiisii.

https://youtu.be/O5Vs9Kyxu_c

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*