26th July 2024  admin  Category :

Madaxwyne Farmaajo oo wiil uu abti u yahay la doonaya Madaxweynaha Koonfur galbeed, halka madaxdii kale ee la tartamaysay qaarkood laga hor istaagay inay tartamaan sida Rooboow

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay in magaalada Baydhabo ku soo daadgureyneyso diyaarado sida baabuur aan xabada karin.

Shariif Xasan ayaa sheegay in aanay horay dowladda Baydhabo u keeni jirin baabuur, balse haatan u muuqato musharaxiin la soo magacaabay ay sii siisay baabuurtaas.

Waxaa uu sheegay in dadka reer Koofur Galbeed ay yaqaanaan dadkii ay dooran lahaayeen.

Shariif Xasan ayaa tilmaamay inay rajeynayaan in doorashada Koofur Galbeer ay si nabad u dhici doonto.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Baydhabo gaaray diyaarado siday ciidamo iyo gawaari aan xabadaha karin oo ay la socdeen labo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, kuwaasoo ay taageereyso dowladda.

Dhinaca kale Banaan bax looga soo horjeedo faragelin la sheegay in dowladda ku heyso Baydhabo iyo doorashada Koofur Galbeed ayaa maanta ka dhacay Baydhabo, waxaana lagu gubay taayaro.

Lafta Gareen, wuxuu ka soo jeeda beesha Digil oo haya xilka gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Inuu u cararo madaxweynaha Koonfur galbeed oo la siiyo Baabuurta aan xabbadu karin waa madaxweynaha Soomaliya oo abti u ah

Osman-8.jpg

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*