26th July 2024  admin  Category :

 Shirkii golaha dhexe ee xisbiga EPRDF ee maalmahanba  kasocday xarunta Itooniya ee   ee magaalada Addis ababa  oo lagaga hadlayay ajandayaal dhawr ah oo ay kamid tahay doorashada gudoomiyaha cusub ee xisbiga EPRDF oo noqonaya raisal-wasaaraha dalka uu xisbiga EPRDF kudoortay Dr. Abiyu Ahmed oo kuguulaystay 108 cod iyadoo codka guud ee goluhu uu ahaa 170 cod oo uu hal cod gubtay meesha mudane Shiferaw shigute uu helay 59 codDr. Debretsiona uu helay 2 cod. Sidaasna uu codka aqlabiyada uu kuhelay Dr. Abiyu Ahmed.

 Hadaba gudoomiyahan cusub ee xisbiga EPRDF oo si bilaa shuruud ah wakhti xaadirkan ku ah raisal-wasaaraha cusub ee dalka Dr. Abiyu Ahmed ayaa khudbad muhiim ah oo uu doorashadii kadib kajeediyay golaha dhexe ee xibsbiga EPRDF hortiisa wuxuu kusheegay inuu sii xoojinayo jihooyinka siyaasadeed, horumarineed, nabadgalyo, maamul suuban iyo dimuqraadiyadeed ee uyaalay xisbiga EPRDF. Wuxuuna carabka ku adkeeyay inuu sigaar ah ulashaqayn doono deegaanka soomaalida itoobiya gaar ahaan gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka baarlamaanka  DDSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo gudoomiye kuxigeenka XDSHSI ahna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Sidoo kale, warbixin uu soo jeediyay xisbiga OPDO ayaa waxay kucanbaareeyeen dhibaatooyinkii  kadhacay magaalada awaday iyo galbeedka hararge ee deegaanka oromada iyagoo sheegay inay aad uga xun yihiin.

Ugu danbayna hogaaminta XDSHSI oo ay ugu horeeyaan gudoomiyaha iyo gudoomiye kuxigeenka XDSHSI iyo xukuumada deegaankuba waxay goobtaas ugu hambalyeeyeen islamarkaana qoraalkan ugu hambalyaynayaan gudoomiyaha cusub ee xisbiga EPRDF loo doortay oo si bilaa shuruud ah wakhti xaadirkan u ah raisal wasaaraha cusub ee dalka.

https://youtu.be/Hf8gVP65Fx8

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*