26th April 2024  admin  Category :

Inaalilaa Wa Inaa Ilayhi Raajicuun.  Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Shacabkii somalida ahaa ee Lagu Xasuuqay Awaday.

Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun.  Waxaa maanta aas qaran  loogu sameeyay xabaalaha gidhibka ee caasimada deegaanka Jigjiga   dadkii shacabka Somalida ahaa ee sida axmuqnimada  ah loogu xasuuqay Hawaday ee deegaanka Oromada, dadkaasi oo ay tiradoodu dhantahay 40 qof ayaa maanta waxa lagu aasay xabaalaha gidhibka 18 qof.

Waxaana aaskan qaran oo aan loo kala hadhin KA  soo  qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq Ibraahin, madaxwayne ku xigeenada DDSI, odayaal dhaqameedka deegaanka, hogaaminta diimaha kala duwan ee dalkeena itoobiya, iyo kumanaan qof oo ka mid ah qaybaheeda kala duwan  bulshada ku  dhaqan magaalada caasimada deegaanka ee jigjiga.

aas jigjiga

aas jigjiga1

aas jigjiga2

aas jigjiga3

aas jigjiga4

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*