8th September 2024  admin  Category :

Safiirkii Talyaaniga ee la bedelay waa aargosi siyaasadeed

Lixdii safar ee madaxweynu dalka dibaddiisa ugu baxay ee ay la soocdeen Mahad Salaad, Cabdirisaaq Cumar iyo Tarsan oo garab taagnaa heshiiskii uu la saxiixday Kenya , midna lama uuna socon wasiir arimo dibadeed oo ku fadhiyey 4.5 ay Soomaali wax ku qaybsato.

Iyadoo taas ay ka carayasiisay in badan oo ka mid ah bulshada Beesha Daarood ayaa qof aan la aqoon xilliga la magcaabay wuxuu hadda xilkii ka qaaday safiir ka soo jeeda isla beeshii horay looga maarmay wasiirkooda arimaha dibadda.

Safiirkii Talyaaniga u fadhiyey Soomaaliya Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur, oo ka soo leeday beesha Mareexaan ee Daarood, ayaa waxa lagu bedelay Maxamed Cali Gacal, oo ka soo jeeda beesha Abgaal ee Hawiye.

Xilkan ayaa waxa kala bedalaya Agaasimaha guud ee hab maamuuska Qaranka, oo Soomaalida intooda badan horay u maqal, lana socon meel lagu magcaabay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*