31st October 2024 admin Category :
Maxaa ka soo baxay kulankii Madaxda Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga jika Ceel daahir iyo Ceerigaabo,
Kulankii dhowan ku dhex maray madaxda Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga jidka barakaysan ee Ceel daahir ilaa Ceerigaabo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxa fududeeyey oo suurta geliyey inay is arkaan labadan dhinac Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdikariin Gabeyre.
Madaxda ugu saraysa Soomaaliya sida madaxweynaha Soomaaliya Mohamed Abdullahi “Farmajo iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa labaduba u balan qaaday Guddiga Jidka ceel Daahir inay ka qayb qaadanayaan dhmaystirka jidkan, Waxayna Guddiga siiyeen kalsooni buuxda, sida ay noo sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.
Guddiga jidka Ceel Daahir, sidoo kale waxa magaalada Muqdisho aad ugu soo dhoweeyey xildhibaanka aqalka sare ee reer Maakhir Saciido Xasan , Xildhibaan Siciid Daahir iyo Siyaasi Siciid Qorsheel.
Fiiro gaar ah:Waa kuma Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdikariin Gabeyre. Arday uu ka mid yahay Gabayre oo ka kala yimid degmooyinka Cadale iyo Adan yabaal ee gobolka Shabeelaha dhexe iyo Arday aan ka mid ahay oo ka kala yimid degmooyinka Badhan iyo Buraan ee Gobolka Sanaag, ayaa dugsiga sare ee Shabeelle ee boarding ahaa ka wada bilaabay dugsga sare 1979. Waxaana wada deganayn Dorm 8 afartii sano oo aan ku wada jirnay dugsiga sare. Markaan dhamysanay dugsiga sare waxaan shaqo Qaran u wada aadnay gobolka Togdheer. Inakasta oo aan dhowr iyo sodon sano is arag ama is maqal Gabayre waa ugu mahad celinayaa howsha qaran uu qabtay iyo Soomaalinamada uu muujiyey
Cali Maxamuud Xasan ( Cali Ceelaayo), oo ka mid ah guddiga jidka Ceel daahir, isagana waxaan ahayn asxaab , waxaan wada bilownay Malcaamadda oo uu Kabiir noo ahaa iyo dugsiga hoose dhexe.
ALLSANAAG.COM