23rd December 2024  admin  Category :

Beesha Ciise Maxamuud oo Gaas ugu Baaqday in uu Iscasilo

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Calii Gaas, ayaa lagu eedeeyay inuu ku fashilmay dhamaan Howlihii loo igmaday, una dhaartey, sida Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Cadaaladda.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka.

Cuqaasha, Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Beesha Obokor Ciise, oo Shir mudo labo Todobaad uga socday magaalada Garoowe ayaa aad u dhaliilay Maamulka uu majaraha u hayo Madaxweyne Gaas.

“Madaxweyne Gaas wuxuu lumiyay Kalsoonidii shacabka, kadib markii uu hareermaray hanaanka awood-qeybisga iyo heshiishii ay ku midoobeen beelaha, ee lagu dhisay Puntland,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Beesha.

Gaasi ayaa lagu eedeeyay inuu sameeyay Musuq-maasuqii ugu ballaarnaa, oo aan horey usoo marin Puntland, kadib markii maamulkiisa uu daabacay lacago been abuur ah, oo saameeyay nolosha Shacabka, islamarkaana sababay Sacir barar xooggan guud ahaan Deegaanada Puntland.

Odayaasha ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ku guuldareestay, Bixin la’aanta Mushaarka Ciidamada difaaca iyo Shaqaalaha dowladda, is-hor-taagista dhisamaha Maxkamadda Dastuuriga ahayd, fashil amni oo ka jira Badda iyo Bariga iyo luminta Soohdimaha Puntland, iyadoo ay faraha ka baxeen gobollo badan.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa loogu baaqay inuu xilka iska-casilo, maadaama uu ku fashilmay hogaanka, waxaana laga codsaday Isimada iyo waxgaradka inay wax ka qabtaan khataraha kusoo food-leh Puntland iyo Xaaladda cakiran ee ka taagan xilligan.

Hoos ka akhriso Magacyada Saxiixiyaasha Bayaanka, kana daawo, isagoo cod ahna qeybta kore.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*