23rd October 2024  admin  Category :

WARBIXIN: Xil. Shaacuur wuxuu isku qiray inuu galay Fal dambiyeed aad u wayn; maxaase ku kalifay inuu sheego inuu Laaluush qaatay?

Filed under: Wararka maanta | 

08 August 2017 (Puntlandes) Xildhibaan Cabdikariim Xusseen Guure (Shaacuur) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Putland ayaa isagoo u waramay Saxaafadda Puntland waxa uu isku caddeeyey inuu Laaluush ku qaatay Ansixina Heshiisyadii Horumarineed ee ay dawladda Puntland la soo gashay shrkadaha DP world iyo CCECC.

Xildhibaan Shaacuur ayaa sheegay inuu madaxtooyadda Puntland uga qaatay ansixinta hesiisyadaas lacag Laaluush ah oo dhan 28000 doollar, uuna ugu deeqay Ciidanka Puntland, gaar ahaan kuwa ka hawlgala Gobolka Mudug oo aan Mushahaar la siin sida uu sheegay.

Hawlwadeenada Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay sheegashada Xildhibaan Shaacuur ku samaysay Baaritaan aad u qoto dheer, waxayna go’aansadeen inay la wadaagaan Shacabka iyo Hay’addaha ka shaqeeya Amniga Puntland.

Waa kuma Xildhibaan Shaaruuc?

 

Xildhibaan Shaaruuc waxa uu ka tirsanaa ururkii Argagixisada ee la oran jiray Al-Ithaxaad, hadana magacii u bedeshay Al-Ixtisaam.

Shaacuur wuxuu kasoo qayb qaatay dagaalkii uu hogaaminayey sheekh Xasan Daahir Aways ee Al-Ithaxaad ay la gashay Jamhadii SSDF ee ka talinaysay Goboladii la isku oran jiray Waqooyi Bari, isagoo ka mid ahaa Malaysiyadii Sheekh Xasan ee dadka badan ku laayey dagaalkaas, 1993dii. Xildhibaan Shaaruuc marna kama tanaasulin inuu dagaanada Puntland uga shaqeeyo Sh. Xasan Daahir, mar kasta oo uu magaca bedeshana waa uu la bedelan jiray.

AUN dawladii uu madaxweynaha ka ahaa madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxa uu Xildhibaan Shaaruuc ka mid ahaa oo uu qayb lixaad leh ka qaatay abaabulkii maxkamadihii uu Sheekh Aways hogaaminayey isagoo dhalinyaro badan oo kasoo jeeda Puntland ugu diray inay Sheekh Xasan Daahir usoo dagaalamaan.

Dhalinyaro aad u faro badan oo reer Puntland ah oo uu abaabulay Shaacuur ayaa waxay ku le’deen Bandiiradleey.

Xildhibaan Shaaruuc tan iyo markuu ka mid noqday Baarlamaanka Puntland Mooshin iyo daganaansho la’aan Siyaasadeed ayuu shaqo ka dhigtay.

Waxaa su’aal ah yuu u shaqeeyaa Xildhibaan Shaaruuc, ma cadowga Puntland? Mooshinada aanu soo qaadanayno ee Xildhibaan Shaaruuc ayaa waxaa ka mid ah:

  • Mooshin ka diyaariyey madaxweynaha Puntland oo u shaqayn waayey
  • Mooshin Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland ee Xilka laga qaaday
  • Mooshin uu dhawaan ka keenay madaxweynaha oo Xildhibaanadu ku diideen
  • Mooshinkii Xukuumadda lagu riday

Matalaada deegaan ama Beel ee Xildhibaan Shaaruuc

Xildhibaan walba ee Puntland deegaan ama Beel ayuu ku matalaada Baarlamaanka, marka Shaaruuc beesha ama deegaanka ma wuxuu ku matalaa:

  • Laaluush Qaadasho
  • Xasarad
  • Mooshin
  • Been abuur
  • Ka shaqayn deganaansho la’aan, isagoo uruurinaya Malayshiyo Beeleed uu Colaad ku hurinayo.

Maaha suurto gal inuu Shacabka sharafta badan ee reer Burtinle ama Gobolka Nugaal uu wakiil uga yahay ama ku matalo Xumaanta tirade badan ee uu ku caanbaxay Xildhibaan Shaacuur, ee aan qaar ka mid ah kor kusoo xusnay.

Shacabka Degmada Burtinle ama Gobolka Nugaal waxay u baahan yihiin oo ay usoo wakiisheen inuu ku matalo:

  • Nabad
  • Xasilooni
  • Ilaalinta Midnimada Puntland
  • Ka shaqaynta Horumarinta Gobolka iyo Degmada
  • Umana aysan  soo dirsan Xasaradan iyo shidadan uu gacant akula jiro.

Xildhibaan Shaacuur ma laha aqoon Diineed ama mid maadi ah, wuxuuna kusoo galay Baarlamaanka Puntland orod, waxayna u muuqataa inuu wali ku jiro orodkii maadaama aysan waxn´ba u kordhin.

Shaacuur ayaa ka tirsanaa taageerayaashii Musharax mudane Cali Xaaji Warsame oo u sahlay inuu Baarlamaanku ku biiro, maadaama ay kasoo wada tirsanaayeen ururkii Al-Ithaxaad, ee uu hogaaminayey Sheekh Xasan Daahir Away.

Xildhibaan Shaaruuc oo uruurinaya Malayshiyo Beeleed!!

Baaritaanka ayey waxay Warbaahinta Puntlandes ku ogaatay inuu Xildhibaan Shaacuur helay ama ay soo gaartay lacag cadadkeedu dhamaa 70.000 doollar, isagoo lacagtaan u isticmaalay abaabulida, uruurunta iyo Hubaynta Malayshiyo kasoo jeeda Beeshiisa.

Waxay kaloo Warbaahinta Puntlandes ogaatay in laamaha Amniga Puntland ay ku hawlan yihiin baaritaan la xiriira cidda lacagtaas usoo dirtay Xildhibaan Shaacuur iyo meesha ay ku wajahan yihiin Malayshiyo Beeleedka uu ku uruurinayo Gobolka Mudug. Laakiin waxaa loo badinayaa inuu ka helay Kooxda Argagixisada ah ee Koonfurta Soomaaliya ka hawlgasha (Alshabaab).

Xildhibaan Shaacuur waxa uu Malayshiyo Beeleedka uu ku uruurinayo Gobolka Mudug u gaday 50 Qoryaha fudud ee AK47 ah iyo Gaari Tekniko ah (Abdi Bile) oo uu saaran yahay Qari Dhashiike ah iyo rasaas badan.

Xildhibaan Shaacuur ma Degnada Burtinle iyo Gobolka Nugaal ayuu Baarlamaanka uga waliik yahay mise inuu Xasarad iyo colaad ka huriyo Gobolka Mudug?

Fal Dambiyeedyada uu galay Xildhibaan Shaacuur

Fal dambiyeedyada uu galay Xildhibaan Shaacuur oo ah kuwo waawayn ayaa kala ah:

1-Fal dambiyeedka 1aad: Wuxuu qirtay inuu LAALUUSH qaatay, isagoo sheegay inuu u qaatay waajibaadkiisii Dastuuriga ahaa ee ay shaqadiisu ahayd.

2- Fal dambiyeedka 2aad: Laaluushkii uu sheegtay inuu qaatay wuxuu Xildhibaan Shaacuur caddeeyey inuu Ciidamada Puntland gaar ahaan kuwa Gobolka Mudug oo aan Mushaar qaadan 8 bilood uu siiyey, waxaa laga rabaa inuu sheego meesha ay joogaan Ciidanka aan Mushahaarka qaadaan oo uu lacagta siiyey taasoo ay soo ogaatay Warbaahinta Puntlandes inaysan jirin.

3- Fal dambiyeedka 3aad: Wuxuu Xildhibaan Shaacuur Hubeeyey Malayshiyo beeleed ay isku beel yihiin, isagoo gaday 50 qori iyo gaari Qori Dhashiike ah saaran yahay.

Malayshiyo beeleedkaan uu Xildhibaanku hubeeyey lama yaqaan meesha ay ku wajahan yihiin iyo cida loo hubaynayo inay la diriraan.

Xildhibaan leh XASAANAD maaha inuu abaabulo, hubeeyo, uruuriyo Malayshiyo beeleed, waana sharci daro taasina sida ay noo sheegeen khuburada xagga sharciga ku takhakhusay.

4- Fal dambiyeedka 4aad: Been ka abuuris uu ku sheegay in 65ta kale ee Xildhibaan ay qaateen Laaluush midkiiba 28.000 doollar.

Xildhibaan wuxuu xilka ku wayn karaa?

Xildhibaan muxuu xilka ku wayn karaa:

  • Dhimasho
  • Xil gudasho la’aan
  • Inuu isagu iska casilo
  • Fal dambiyeed lagu qabti

Xildhibaan Shaacuur wuxuu galay sidaan horay usoo sheegnay 4 Fal dambiyeed oo waawayn oo uu xilkiisa ku wayn karo

Puntland waxay jirsatay 19 sano, waan in Xasaanadda lagala noqdaa Xildhibaan Shaacuur, luna qaada dambiyada waawayn ee uu galay.
Puntlandes.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*