24th December 2024 admin Category :
Maalmahan aynu soo dhaafnay Caasimadda Puntland ee Garowe, waxa ka socday shir ay soo abaabuleen beesha Leelkase, ka dib marki lacag badan ay beel ahaan dhexdooda iska soo ururiyeen, si shirkani u qabsoomo.
Shirkan oo u dhaxeeyey Isimada Leelkase oo dhinac ah iyo Isimada Majeerteen iyo dawladda Puntland oo iyagana isku dhinaca ka soo wada jeeday, ayaa qdobada laga wada hadalayo waxa ka mid ah:
1- In beesha Leelkase Xildhibaada ay ku leeyihiin Baarlamaanka Puntland loo kordhiyo.
2- In wasaaradda arimaha gudaha oo aysku kala bedeli jireen labada Beelood ee Dhulbahante iyo Warsangeli hadda wixii ka danbeeya loo magcaabao wasiir ka soo jeeda Galdogob. Haddan wax is bedelin isku shaandhaynta ugu horaysa ee golaha wasiirada Puntland ee dhowaan la sugayo in laga dhawaaqayaa ayaa lagu bilaabayaa wasiirkii ugu horeeyey ee arimaha Gudaha ee ka soo jeeda Galdogob
3- In gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland uu noqdo mid furan oo beel walba oo reer Puntland ah u tartami karto.
.
Allsanaag.com