25th October 2024  admin  Category :

Ciidamo ka kala tirsan Ciidanka Ilaalada Dekeda Magaalada Bosaaso iyo Booliiska Puntland ayaa waxa dhexmaray iska hor imaad,kaasi oo sababay khasaare soo gaaray Ciidamadii dagaalamay.

Taliyaha Ciidanka dekada Bosaaso Maxamed Cali xaashe iyo 2-Askari oo kale ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad dhexmaray Ciidanka Booliska iyo Ciidanka Badda Puntland .

Dhaawac taliyaha dekada soo gaaray ayaa la naloo xaqiijiyey in uu yahay dhaawac fudud,wuxuuna iska hor imaadkani ka dhacay afaafka hore ee Dekeda Magaalada Bosaaso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*