25th October 2024  admin  Category :

digg icon delicious icon

Madaxweynaha Jubaland oo u amba baxay Shirka London

Kismaayo, Jubbaland (6 May, 2017)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah ugu amba baxay Shirka London ee kaalmada loogu yaboohayo Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sii mari doona Magaalada Nairobi oo uu maalmo kadib  uga sii gudbi doono London oo 11 bishan uu si rasmi ah shirku uga furmayo.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Waxaa uu sheegay in Jubbaland ay ahmiyada koobad siinayso nabadgalyada oo ah waxa ugu badan ee maanta Soomaalidu ay u baahan tahay si gaar ahna Jubbaland ay dhawaan gali doonto hawlgalo saf balaadhan ah oo Al-Shabaab gobolka lagaga xorayn doono.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Soomaalida looga baahan yahay isku tashi iyo wada jir si hawlagaha socda ay u guulaystaan.

Bulshada ayuu Madaxweynahu ku booriyay in Madaxdooda ay aaminan oo ay ku kalsoonadaan taas oo wanaagu uu ku jiro.S09A0820S09A0845S09A0860

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*