26th November 2026  admin  Category :

Yaa mudan in doodo midnimada Soomaaliya iyo xubnaha taranka haweenka

Bulshada Soomaaliyeed ayaa maalintii shalay is waydiinaysay haddii madaxweynihii waqtigiisu dhamaaday Xasan Culusoow uu yidhi ‘talo dhexda aan dhigayaa ma jirto, iyadoo ay jirto qaybo ka mid dalka oo doonaya inay Soomaaliya inteeda kale goostaan, iyagoo taageero ka helaya dalal shisheeye. Taasina ay dhiiro gelin u samaynayso kuwii dalka kala goynayey

Haddii Soomaaligii diidanaa in dalka laka gooyo aan talo la waydiinayn sidee dalku u sii ahaan doonaa mid midaysan .

Rajaddii ay Soomaali badan qabeen ayaa ahayd kulankii maanta ay yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in looga hadli doono midnimada Soomaaliya. mar haddii madaxweynii dalka uu yidhi Talada tuurtaydaan ku qaadanayaa oo Cali wejis iyo Yalaxoow cid aan ka ahayn talo ka qaadan maayo.

Dooddii Xildhibaanada maanta ma noqon siddii Soomaalidu saadaalinaysa iyo in midnimada Soomaliya, hase ahaatee looga dooday xubinta taranka ee dumarka qaabka ay u ekaan doonto iyo cabirkeeda. Gudoomiyihii dhowaan loo magcaabay Baarlamaanka Soomaaliya Jaamac Abu Jihaad, sida muuqata waa la dhacsanaa doodas xubinta Dumarka laga doodayey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*