
26th November 2026 admin Category :
AUN Sufyan Ismail Ahmed wuxuu ahaa wiil dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku noolaa gobolka Ontario, Canada, kana tirsanaa adeegyada gurmadka degdegga ah ee York Region. Wuxuu sidoo kale muddo lix sano ah u adeegayay ciidamada Toronto Scottish Regiment, isagoo noloshiisa u huray adeegga bulshada, badbaadinta dadka iyo u adeegidda dalkiisa.
Maanta, waxaa salaadda janaasada lagaga tukaday Masjidka Khalid Bin Walid, kadibna waxaa lagu aasay qabuuraha Muslimiinta ee magaalada Toronto.
Ilaahay ha u naxariisto Sufyan Ismail Ahmed, samir iyo iimaanna haka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo dhammaan intii uu ka baxay. Aamiin.







