23rd October 2024  admin  Category :

Madaxda Soomaaliyeed oo  iyagu is casumaya iyo Caalamka oo caruurtii Soomaaliyeed u qaaraamaya.

Maalintii Jimcaha ee bisha  afraad ahayd afar iyo tobanka ee sanadka 2017,  oo inta badan caalamka reer galbeedku aan   maalintaa   la shaqo tegin, oo shaqooyinku fasax ahaayeen . ayaa waxaan nasiib u yeeshay in salaaddii Jimcaha aan kula  tukado Umad Muslimiin ah   Masaajidka Green Lane ee Birmingham ee dalka Ingiriiska.

Imaamkii  khudbadda Jimacha jeedinayey maalintaas,  inta badan khudbadiisa wuxuu ku soo qaatay abaarha ka jira guud ahaan Bariga Afrika iyo geeska Afrika. Waxayna ahayd mid umaddii dhegaysanaysay kaga qiiraysiisay. In badan oo ka mid ah dadkii khudbadda dhegaysanayey  oo ay  ishaydu qabanaysana waxay ahaayeen kuwo lacag ku ridayey  sanbiilo masaajidka dhexdiisa dadka lacag qaaraan ah ee abaaraha  looga ururinayey.

Salaadii Casar  oo aan  masaajidka ku soo laabtay, oo ahayd waqti qabow ah  oo roob d’ayey,  waxa taagnaa jidadka  inta aan la soo soo gaarin Masaajidada Caruur ay d’adoodu yarayd, oo iyagu  tagnaa wadooyinka dhinacyadooda  oo weli wata sanbiiladdo oo lacag qaaraan ah u ururinaya dadka ay haraadka iyo gaajadu hayaan ee Bariga Africa.

Maalinta caruurta d’ada yari ee  isugu jiray  Asiyaan, Africaaan iyo Cadaan ay taagan yihiin dhaxanta iyo roobka ku dul d’aya,  oo ay  qaaraanka   u ururinyaan umadda degan geeska Africa ee gaajada iyo haraadku hayo. Madaxdii Soomaaliyeed, gaar haan kuwii canshuurta iyo lacagta qaada iyagu  waxay isku balansanayeen oo ay isku casumayeen  Hotel City Palace ee magaalada Muqdisho. Iyaga oo ay ka guurtay xasuustii iyo  in dalka ay ka jirto  abaaro dad u dhimanayaan

Sawirka Mohamed Salh.

Sidoo kale madaxda Federaalka iyo maamul goboleedyadu iyaguna casumaad aan joogto lahayn oo ay is casumayaan ayeey ku jiraan.

Ugu danbayntii waa nasiib xumo iyo garasho la’aan in caruurtii aduunka ay Sanbiilo ay lacag umadda Soomaaliyeed ugu ururinayaan ay la taagan yihiin Dariiqyada  Caalamka .Halka madaxdii Soomaaliyeed ay iyagu ka badin l’ayihiin is casumaadooda iyo talafishanka oo laga arko  inta neef oo Ari ah oo ay habeenkaas cuneen iyo fadhiga kuraasta waaweyn

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*