22nd December 2024 admin Category :
Xil kasta oo la magcaabayo maxaa ka dhigay in loo magcaabo qof ka soo jeeda beesha Hawiye.Taas macnaheedu soo maaha “Muqdisho Unugaa leh”
Xilalakii ilaa shalay lagu magcaabay magac Soomaaliyeed, ayaa waxay ka soo wada jeedaan Beesha Hawiye
Axmed Maxamaed Jimcaale Cirfiid, oo ka soo jeeda Hawiye, Habargidir, Saruur, waxa loo magcaabay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed
Cabdulaahi Cali Maxamed Sanbalooshe, oo ka soo jeeda beesha Hawiye, Xawaadle, waxa loo magcaabay Taliyaha nabad sugida Soomaaliya
Axmed Kismaayo, oo ka soo jeeda beesha Hawiye, Abgaal. waxa loo magcaabay maareeyaha dekedda Muqdisho ee ku taal caasimadda Soomaaliya
Yuusuf Jaale, oo ka soo jeeda beesha Abgaal, Hawiye, waxa loo magcaabay maareeyaha Garoonka Caalamiga ee ku yaala caasimadda Soomaaliya Muqdisho
Maxamed Sheekh Cali oo ka soo jeeda beesha Hawiye, waxa loo magcaabay, taliyaha Ciidamada Cirka
Maxamed Adan Jimcaale, oo ka soo jeeda beesha Hawiye, Habargicdir, Cayr, waxa loo magcaabay taliyaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha
Taabit Cabdi Maxamed, oo ka soo jeeda beesha Hawiye, Abgaal, Wacaysle, waxa loo magcaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, oo ay ku taalo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho
Madaxda Shaqaalaha Villa Soomaaliya, waxay ka soo wada jeedaan beesha Hawiye sida Afhayeenka Madaxweynaha, Afhayeenka Dawladda iyo taliyaasha.
C/Fitaax Ibraahim Shaawey, oo ka soo jeeda beesha Hawiye, Murursade isagana waxa loo magcaabay taliye Ku xigeenka Sirdoonka iyo Nabadsugidda DFS.
Ugu danbayntii haddi saami qaybsigii uu noqday shalay xilka waxa loo magcaabay Wacaysle, Abgaal, ee maanta waa in loo magcaabaa Galmaax, Abgaal oo iyaga loo dhiibaa Garoonka iyo dekedda Caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho, soo taasi kama dhigna Muqdisho Unagaa leh oo nin aan Hawiye ahayn xil kama qaban karo.
Allsanaag.com