25th October 2024  admin  Category :

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Cadaaladda oo Xilkii kala wareegay Mudane Cabdulaahi Ilkajiir.

Xaflada xil wareejinta ah oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Cadaaladda ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay mas,uuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda oo ay ka mid yihiin Ra,iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda , Xeer ilaaliyaha iyo Garyaqaanka guud e qaranka Xildhibaano iyo Mas,uuliyiin kale iyadoo halkaas ay xilka ku kala wareegeen wasiirka cusub ee wasaaradaas loo magacaabay iyo wasiirkii hore .

Wasiirkii hore ee wasaaradda cadaaladda Mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilka Jiir oo hadal kooban ka jeediyay halkaa ayaa sheegay in wax badan ay qabteen mudadii uu xafiiska joogay wax badana ay usuura gali waayeen duruufaha jira awgood waxaana uu la dar daarmay wasiirka cusub ee xilka kala wareegay .

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka cusub ee wasaaradda cadaaladda dalka ayaa sheegay in uu xoogga saari doono isagoo kaashanaya howl wadeenada wasaaradda sidii loo hor marin lahaa hanaanka cadaaladda dalka.

Ra,iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Axmed Guuleed oo goob joog ka ahaa xaflada xil wareejinta ayaa ku dheeraaday muhiimada cadaaladu u leedahay in dalkani hagaago waxana uu u balan qaaday mas,uuliyiinta cusub ee wasaaradda in xukuumadda ra,iisul wasaare Kheyre ay muhiimad weyn sii doonto hormarinta garsoorka dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*