
17th May 2025 admin Category :
Ibrahim Traore: Macluumaad khaldan oo loo adeegsan jiray ammaanta hoggaamiyahan milatariga ah
Qiic kasoo baxaya dhismo sida Beyoncé, kuna labisan dhar milatari, oo ay fuulayso baabuur gaashaaman. Kabtan Ibrahim Traoré, hogaamiyaha militariga Burkina Faso, ayaa sidoo kale ku jira muusikada muuqaalka, isaga oo xabad ridaya. “Ilaahay ha ku xafido Ibrahim Traoré dagaalka aad u galayso dadka, jebinta silsiladaha boqortooyada” ayaa ereyada heesta ka mid ah.
Laakiin ma aha Beyoncé ama Ibrahim Traoré. Fiidiyowgu waa mid qoto dheer, nooc nuxurkiisa si xariifnimo leh loogu farsameeyay si uu ugu ekaado mid dhab ah.
Boqolaal fiidiyow oo AI lagu soo saaray ayaa muujinaya Traoré inuu yahay geesi Afrikaan ah, oo badankoodu ay ku jiraan macluumaad been ah, kuwaasi oo qulqulaya baraha bulshada guud ahaan Afrikada Saxaraha ka hooseeya tan iyo dhammaadkii bishii Abriil.
Hadalhaynta waa mid baahsan, iyada oo adeegsadayaasha baraha bulshada ee X, Facebook, Instagram, TikTok, WhatsApp iyo Youtube oo ka soo kala jeeda dalal ay ka mid yihiin Nigeria, Ghana, iyo Kenya ay ku amaanayaan Traoré inuu tusaale u yahay hoggaamiyeyaasha kale ee Afrika.
37 jirkan militariga ah ee la wareegay talada dalka galbeedka Afrika 2022, ayaa isu muujiya inuu yahay nin u ololeeya siyaasadda ka soo horjeeda Imbaraadooriyada, isaga oo dhaliilay waxa uu u arko faragelinta quwadaha reer galbeedka, gaar ahaan Faransiiska, halka uu Ruushka ka dhigtay xulafo istaraatiijiyadeed.
Intii uu Traoré hayay talada, Burkina Faso ayaa wajahday hoos u dhac ku yimid dimuqraadiyadda, iyada oo saxafiyiinta iyo dadka dhaleeceeya la aamusiyay oo la askareeyay.
Warbixin ay dhawaan soo saartay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedeysay ciidamada dowladda inay dileen ku dhawaad 100 qof oo rayid ah weerar dhacay bishii Maarso.
- 2 Maajo 2025
- Waa kuma hoggaamiyaha da’da yar ee afgambiga ku qabsaday Burkina Faso?3 Oktoobar 2022
Laakiin kasoo muuqashada fagaarayaasha dadweynaha ee joogtada ayaa Traoré ka gacan siisay dhisidda muuqaal awood leh oo ka dhex guuxaya caalamka iyo Burkina Faso, isaga oo taageerayaashiisa ku soo jiiday waddooyinka caasimadda Ouagadougou.
Qaarkood waxay u yaqaaniin “dib-usoo-dhalashada” Thomas Sankara, hoggaamiyihii hore ee millatariga Burkina Faso ee la dilay 1987 ka dib afgambi dhacay.
Kormeerayaasha ayaa sheegaya in dhalinyaro badan oo Afrikaan ah ay ka dheregsan yihiin sida ay wax u socdaan iyo dowladahooda, waxayna taageerayaan qaar ka mid ah fariimaha muhiimka ah ee Traoré, sida su’aalaha la ku saabsan xiriirka reer galbeedka.
Waxaa lagu yaqaanaa inuu yahay codkar xirfad badan waana qof faham u leh warbaahinta, taas oo sidoo kale gacan ka geysaneysa sharxida sababta dadka qaar ay ugu arkaan inuu yahay qof ku dayasho mudan.
Iyada oo ay jirto taageero xooggan oo uu Traoré ku leeyahay guud ahaan Afrika, “kor u kaca tirada xogta ay soo saartay sirdoonka dhijitaalka ah ee loo isticmaalo in lagu dhaqaajiyo sheekooyinkan ayaa muujinaya in aanay isku xirnayn,” ayuu yiri Eliud Akwei, oo ah falanqeeye sare oo baarista, kana tirsan Code for Africa, oo ah urur aan faa’iido doon ahayn oo baara wararka been abuurka ah ee qaaradda.
Qaar ka mid ah muuqaallada waxaa xiriirinaya sarkaal sirdoon oo iska dhigaya xirfadle tabinta warka, in kasta oo ay ku jiraan sheegashooyin marin-habaabin ah oo ku saabsan Traoré ama dowladdiisa.
Muuqaal sheegaya in mid ka mid ah ilaalada Traoré lagu siiyay $5 milyan si uu u dilo hogaamiyahaas ayaa dhalisay in ka badan 1 milyan ay daawato. Inkasta oo Burkina Faso ay soo warisay isku dayo afgambi oo ka dhan ah Traoré tan iyo markii uu xukunka qabtay, ma jiraan wax caddaynaya in arintaasi ay dhacday.
Hal muuqaal oo caan ah oo la daawaday 4.5 milyan oo jeer ayaa ka sheekeynaya dhacdo khiyaali ah oo ka dhacday diyaarad taas oo Traoré oo uusan aqoonsanin shaqaale duulimaadka, looga codsaday inuu ka tanaasulo kursigiisii qaybta ganacsiga ee diyaarada,iyada oo uu doorbidayo inuu siiyo ganacsade Faransiis ah. In kasta oo muuqaalkan gaarka ah lagu calaamadiyay “shaqo khayaali ah,” hadana qaar badan oo ka mid ah kanaalada YouTube ayaa u sheegay sheekada sidii inay tahay dhacdo dhab ah.
Dr. Lassane Ouedraogo oo kaaliye barafasoor ka ah qaybta isgaarsiinta ee Jaamacadda Ohio, asal ahaan ka soo jeeda Burkina Faso, ayaa yiri “Qaar ka mid ah qoraallada baraha bulshada waa kuwo rajo leh, qaarkood waa run, laakiin si weyn ayaa loo buunbuuniyey.”
Hadda, fiidiyowyada muusigga ee been abuurka ah ayaa la soo baxay xeelad cusub oo dhanka ololaha, oo ay ku jiraan dadka caanka ah sida Selena Gomez iyo Rihanna oo ay weheliyaan Traoré. In ka badan 40 ayaa la soo galiyay YouTube hal usbuuc gudaheed.
Waxaan la hadalnay soo saaraha Nayjeeriyaanka ee fiidiyoow qotoda dheer oo ay ka soo muuqanayaan Traoré iyo fannaanka R. Kelly, kaas oo soo jiitay 1.8 milyan oo daawade.
“Sababta kaliya ee aan u sameeyay waxay ahayd saamaynta ‘Ibrahim Traoré’,” ayuu yiri Oguji Nnamdi Kenneth, oo 33 sano jir ah , oo tilmaamaya inuu taageere u yahay hoggaamiyaha Galbeedka Afrika. Waxa uu sheegay in muuqaalku uu ku kasbaday lacag dhan $2,000 isaga oo isticmaalaya YouTube-ka. “Waa caqli-gal caadi ah, waxaan u maleynayaa inay tahay dadku inay ogaadaan, halkan inaan u joogin in aan qofna khiyaano.”

Kayda Dahabka
Akoonada warbaahinta bulshada ee dadka midnimada afrika aaminsan ayaa markii ugu horreysay bilaabay inay kor u qaadaan maqaamka Traoré markii uu u duulay St. Petersburg oo uu kaga qayb galay shirka Afrika iyo Ruushka ee 2023.
Sawirada uu la galay madaxweynaha Ruushka Vladmir Putin iyo khudbadiisa ayaa si weyn loogu wadaagay internetka, waxaana ka mid ah warbaahinta dowladda Ruushka, taas oo sare u qaaday sumcadda Traoré ee gobolka. Ka dib waxaa kordhay taageero iyo dacaayad kale oo loo sameynayo Traoré. Waxa ay bilaabatay sanadkan, horraantii bishii Abriil, ka dib markii eedeymo loo jeediyay Mareykanka.
Intii lagu guda jiray dhageysiga aqalka sare ee Mareykanka, madaxa Africom, General Michael Langley ayaa ku eedeeyay madaxweyne Traoré inuu u isticmaalayo kaydka dahabka ee dalkiisa in uu ku ilaaliyo nidaamkiisa.
Arrintan ayaa kicisay mowjado badan oo baraha bulshada ay ku qoreen dadka Afrikaanka ah oo ay ku andacoonayaan in Maraykanku uu doonayo in uu xukunka ka xayuubiyo Traore. Qaar badan oo ka mid ah qoraallada ayaa ka koobnaa macluumaad been ah.
22-dii Abriil, akoon haysta ku dhowaad hal milyan oo taageero oo barta X ah, ayaa lagu soo daabacay in Langley uu u sheegay Senate-ka Mareykanka in “Madaxweynaha Burkina Faso, Ibrahim Traoré, uu khatar ku yahay dadkiisa.”
Laakiin waxa uu Langley yiri, sida ku cad qoraalkii tijaabada oo ay BBC-du aragtay, waxa ay ahayd in dakhliga ka soo baxa kaydka dahabka ee Burkina Faso “ay yihiin uun ku bedeleshada ilaalinta dawlada milatariga”.
Shabakad ka kooban 165 akoon oo Facebook ah ayaa adeegsatay fariin isku mid ah si ay u kordhiyaan sheegashooyinka been abuurka ah ee sheegaya in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu u diray ciidamo gaar ah si ay Traoré uga ilaaliyaan Mareykanka, iyaga oo helay in ka badan 10.9 milyan oo aragtiyo 10 maalmood gudahood.
Xaqiiqdii, ciidamada Ruushku waxa ay hore ugu joogeen Burkina Faso hawlgallada argagixisada, kuwaas oo aan xiriir la lahayn hadallada Maraykanka.
Barta X, adeegsade kale ayaa soo daabacay muuqaal dad badan oo shiray. “Bal u fiirso dadka faraha badan ee ka mudaaharaadaya Faransiiska Ibrahim Traoré iyo madax-bannaanida Burkina Faso,” ayay u qoreen.
Si kastaba, xaqiiqdu waxa ay muujinaysaa in mid ka mid ah dhismayaasha fiidyowga ah ay tahay kaniisada St. Mark’s Orthodox, ee Belgrade, Serbia. Muuqaalka ayaa muujinaya mudaaharaadyo ka dhan ah dawladda oo ka dhacay Belgrade bishii Maarso 2025.
Fiidiyowga aadka u baahay ayaa la jantay 3,000 oo jeer, loogumana aqoonsanin baraha bulshada mid been abuur ah.
Isaga oo ku sugan gurigiisa Ghana, Sulemana Maxmed oo ah qof wax ku qora internetka ayaa isla muuqaal la mid ah soo dhigay Facebook, isaga oo sheegay in uu muujinayo mudaaharaad lagu taageerayo Traoré oo ka socda Koonfur Afrika. Xataa markii ay BBC u sheegtay in arintaasi aysan run ahayn, Maxamed waxa uu sii waday in uu ku adkeysto sheegashadiisa.
“Waa wax aad u qosol badan marka dadka waxa aan uga ekaysiinay hogaamiyayaasheena aysan dhab ahayn” ayuu yiri.
Siyaasi lagu tilmaamo in uu aaminsan yahay Afrikaanimada ayaa Maxamed sheegay inuu aad u soo jiitay Traoré sababta oo ah ayuu yiri “wuxuu ahaa waxa ay dadka Afrikaanka ah raadinayeen sannadahan oo dhan.”