10th May 2025  admin  Category :

Waa maxay sababta M. Culusoow ugu soo dari waayey Xisbigiisa Siyaasiyiinta Isaaq

Kulamaddii Muqdisho uga socday Mdaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow iyo Hogaamiyaasha maamul goboleedyada qaarkood ayaa ku soo dhamaaday Urur uu Xasan Culusoow madax ka yahay, iyaguna ay ka wada tirsan yihiin ururkaas oo beesha Daarood laga siiyey ku xigeenka Beesha Digil iyo Mirifle.

Hadaba waxa is waydiin mudan siyaasiyinta Dhulbahante iyo kuwa Isaaq ee shirka fadhiyey kama mid aha ama laguma soo darin Ururka Xasan Culusoow madaxda ka yahay , mana mucaaradin ee maxaa qarsoon oo lagu qanciyey.

Sida muuqata ama Xasan Culusoow wax u doonayo ayaa ah in Soomaali wax ku qaybsato Waqooyi iyo Koonfur , sidaas awgeed uu xisbiga Xasan Culusoow madaxda ka yahay uu yahay kii reer Koonfureed. Ururkaas mid la mid ahna ay soo samaystaan reer Waqooyiga oo Isaaqu hogaaminayaan.

Hogaamiye Firdhiye iyo Xildhibaan Tima cade, oo ay wax walba kala weyn tahay bur burinta Puntland , iyagu arintaas dood kama qabaan.

Qaab dhismeedka Hoggaanka Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo ay ku mideysan yihiin Madaxda DFS iyo dowlad Goboleedyada ayaa ku dhow heshiis in laga gaaro.

Madaxweyne Xasan Culusoow ayaa ah Guddoomiyaha ahna Musharrax ururka, halka ku-xigeennada lagu wado; Madaxweyne Laftagareen ku xigeenka labaadna Raysal wasaare Xamze Barre iyo Xoghayaha-guudna Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo ka socda Galmudug.

Wadatashiyadii u dambeeyay ayaa la isku afgartay qaab dhismeedka Xisbiga oo wax laga bedelay sidii markii hore la saadaalinayay inuu noqdo waxaana qaab dhismeedkiisa yahay:

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo markii hore dood ka keenay hannaanka qaab dhismeedka Xisbiga ayaa maalinta berri dib ugu soo laabanaya Muqdisho, si loo dhammeystiro wadatashiyada, ugu dambeyn maalinta Talaadada la isla qaato inay dhacdo Xafladda shaacinta Xisbiga

Haddii si rasmiga ah loogu dhawaaqo Isbaheysigan cusub ee ay ku mideysan yihiin Madaxda xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ayaa durba wuxuu u muuqan doonaa mid lagu bedelay Xisbi. Tijaabadan oo kale horay ayey dalka u soo martay, iyadoo hal Xisbi oo xubnaha sare ee dowlad oo idil sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaare,  Guddoomiye Baarlamaan, Xildhibaanada, saraakiisha dowladda oo dhan ku wada jiraan, haddana waxay noqotay tijaabo horay loogu soo hoogay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*