
16th March 2025 admin Category :
Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa kala hadlay Cuqaasha Damalaxagarre inay Nabada ka shaqeeyaan, Xalna laga gaaro khilaafkii dhawaan ka dhacay Dooxada Dureera.
Guddiga gaar ka ah ee ka socda Golaha Wakiillada Puntland oo socdaal nabadeyn ah ku jooga Gobolka Sanaag ayaa Maanta booqday deegaanka Damalka oo ka tirsan degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.
Ujeedda safarka guddiga ayaa ahayd inay qeyb ka noqdaan xal u helidda khilaafaadka iyo xiisadaha ka taagan halkaasi, gaar ahaan si ay gacan uga geystaan sidii loo soo afjari lahaa shaqaaqada dhex martay beelaha walaalaha ah.
Xildhibaannada ayaa la kulmay Guurtida dhaqanka iyo Waxgaradka deegaanka, kuwaas oo kulan saacado qaatay uga wada hadleen sidii xal rasmi ah looga gaari xalinta arinta dhacday.
Xildhibaannada iyo Odayaasha ku soo bandhigay aragtidooda ku aadan xalka iyo in isfaham buuxa La dhex dhigo beelaha walaalaha ah si loo xoojiyo nabadgelyada iyo ka hortagga in xaaladdu dib uga soo cusboonaato.
Ugu dambeyn Guddiga Xildhibaannada ah iyo Odayaasha Deegaanka ayaa ka wada hadlay baahiyaha ka jira Deegaanka, kuwaas oo u baahan in wax laga qabto, waxayna kormeeren Cisbitaalka Magaalada oo ku waxyeelobay roobab sanadkii hore da’ay.