
16th March 2025 admin Category :
March 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay, Amniga, Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee ka socda Calmiskaad oo maraya wejigii saddexaad, Warbixin Goluhu ka dhegaystay guddiga taakuleynta iyo daryeelka Ciidanka Hawlgalka kujira , Gargaarka bani’aadantinimo ee la gaarsiiyey dadka kasoo barakacay Calmiskaad, horumarinta dhaqaalaha Puntland iyo nabadeynta Gobolka Sanaag.