
15th March 2025 admin Category :
Sidee bay haweeneydan galbeedka Afrika ku dhaqata geela Soomaalida maalin kasta 200 oo litir oo caano ah uga listaa
Dalka Nayjer beeralayda xoolo dhaqatada ayaa ka ah dadka shaqeeya ee dalkaasi 87%, waxaana ay tahay shaqada ama dhaqdhaqaaqa ugu sareeya marka laga yimaado beeraha.
Waa shaqo aasaasi ah oo matasha qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqaalaha qaranka. Haweenka ayaa ka ciyaara door muhiim ah, in kasta oo doorkooda uu yahay mid hoos loo dhigay.
Ganacsatada ay kamid tahay Wouro Habsatou Aboubacar ayaa leh takhasus soo saarista iyo suuq-gaynta caanaha Geela, waxaana ay kor u qaaddaa wax soo saar aad loo doonayo, taasi oo leh faa’iidooyin nafaqo iyo caafimaad.
Waxaa ay maamushaa in ka badan 200 oo neef oo geel ah, gaar ahaan meel ay ku xoogan yihiin ragga. Mrs Wouro ayaa haysa shaqo adkaysi iyo hal-abuur u leh haweenka Afrika ee qaybta xoolo-raacatada beeralayda oo fure muhiim ah u ah bedqabka cuntada Nayjer iyo horumarinta dhaqaalaha.
Shirkadeeda ayaa la aasaasay 2011, waxaana lagu magacaabaa ”Habsatou Camel Milk” waxaa ay soo saartaa maalinkii 160 iyo 180 litir oo caana ah, taasi oo dhibaato la’aan uga iibiso suuqa deegaanka.
Xiriirka dhaqanka, qoyska iyo xanaanaynta xoolaha
Markii ay bilowday soo saarista caanaha geela sanadkii 2011, waxa ay haysatay 30 neef oo kamid ahaa xoolaha qoyskeeda. Wouro Habsatou Aboubacar ma aysan maleysanayn inay maamuli doonto in ka badan 200 oo neef oo geel ah.
Shaqadeeda ayaa caddeyn u ah awoodda haweenka Nayjer ee hal-abuurka iyo ka qayb qaadashada horumarinta dhaqaalaha deegaanka, gaar ahaan qaybta xoola-dhaqatada beeralayda.
Waa marwo iyo hooyo dhashay afar carruur ah, waxaa ay leedahay beer geela lagu xanaaneeyo oo u soo saarta caanaha gobolka Niamey ee caasimada Nayjer.
Waxaa ay ka soo jeedaa qoys xoolo-dhaqato ah, iyada oo ku soo dhex kortay lo’leey ah, waxaana ay ka baratay sida xoolaha loo dhaqo iyada oo aad u da’ yar.
Habsatou waxaa yaraanteedii ay lahayd riyo in ay sameyso shirkad ay leedahay oo u gaar ah dhaqashada xoolaha la dhaqdo.
”Tan iyo carruunimadeydii, waxaan mar kasta jeclaa geela, waxaana lahaa aragti dhismaha ganacsi khaas ah oo leh faa’iido si aan uga qayb qaato baahiyaha qoyskeyga” ayay u sheegtay BBC Africa.

Bilow adag
Marwo Wouro Habsatou ayaa ku bilowday hal neef oo geel ah, waxaana ay go’aan satay inay rumayso riyadeeda xoolo dhaqashada. Waxa ay fursad ka aragtay caanaha geela la nafaqeeyo oo uu dalbkeedu badan yahay oo lagu helayo qiimo fiican.
”Waxaan bilaabay soo saarista caanaha geel 2011, bilowgii, waxaan beegsanayay macaamiisha dadka ku dhaqan Niamey ee asalkoodu uu yahay reer miyiga, laakiin la yaab weyn ayay ahayd in aan arko caanaha geela oo bulshooyinka kale u arkaan kuwo leh faa’iidooyin caafimaad. Halkaasi oo aan ka bilaabay raadinta macaamiil kale si aan u gaaro dalabka iibsadayaasha oo kordha.Waa sida aan ula xiriiray xoola-dhaqatada geela ee agagaarka Niamey oo aan usoo bandhigay inay igula soo biiraan horumarinta qaybtan” ayay tiri Habsatou.
Waxaa maanta ay ka heshaa dakhligeeda ugu weyn iibitinta caanaha liska, garoorka iyo burcadka loo yaqaan ”Wagashi”.
”Bilowgayagii wax walba waa nagu adkaayeen, waxa ay horay u ahayd mamnuuc iibinta caanaha, laakiin dalkayaga caanaha waa la isa siiyaa ee lama iibiyo. Aabahay ayaa ahaa qofka ugu weyn ee i caawiya wixii markaasi ka dambeeyay, ka hor waxaa uu ahaa mid ka soo horjeeda. Alxamdulillaah maanta farxadda iigu weyn ayaa ah in aan arko dhamaan dadka ka shaqeeya ee nolosha ka sameysanaya ka ganacsiga caanaha geela, bakhaarada cuntada ee soo jiidanaya macaamiisha badan”.
Caqabadaha Shaqada
Haweenka xoolo-dhaqatada ee Nayjer ayaa wajaha caqabado dhowr ah oo ay ka mid yihiin helitaanka dhulka oo ah mid kooban, xoolaha la dhaqdo iyo maalgelintooda, amni xumo, iskutiirsanaan la’aan iyo iyada oo aysan jirin seerayaal iyo kaabayaal lagu nidaamiyo wax soo saarka.
”Caqabaduhu aad ayay u weyn yihiin maxaa yeelay qaybta caanaha geela ma aha mid horumarsan iyo kuwa soo saara oo aan nidaamsanayn. Nalama diiwaan gelin, waxaana wax soo saarkeena caanaha uu yahay mid aan la khariidadeen, waa mid muhiim u ah horumarinta qaybtan iyada oo tixgelin wanaagsan la siinayo caafimaadkeena, caafimaadka xoolaheena iyo in si wanaagsan loola socdo ganacsigeena iyo sidoo kale badqabkeena. Sida aad ogtahay aaggeena waxaa saameeyay nabad gelyo la’aan. Nasiib darro, waxaynu luminay xoolo badan, iyada oo ay is-dhintay tiradooda, soo ururinta iyo nidaaminta caanaha” ayay tiri Wouro.
Waxaa ay Wouro intaa ku dartay arrinta ugu culus ee iyadu wajahayso ay tahay tagitaanka goobta xooluhu ay joogaan. Labadeeda goobood ayaa u jira Niamey 35 iyo 60km. Qaybta ay joogto ayay intaa ku dartay inay u badan yihiin rag.



Bulshadeeda waxa ay ka tahay qof lagu daydo
Marka laga yimaado shaqadeeda waxaa ay marwo Wouro Habsatou u tahay bulshadeeda, gaar ahaan haweenka dhiirigaliye.
Waxaa ay si joogta ah isugu dubbariddaa tababarka nadiifinta iyo nidaaminta caanaha ee haweenka kale soo saaraan, iyada oo sidoo kale u qareenta haweenku inay noqdaan kuwo leh madaxbanaani dhaqaale.
”Iyada oo aysan iga ahayn wanaagsanaan, ayaa haddana waxaan u maleynayaa haa in aan tusaale noqon karo, maxaa yeelay waxaan mar walba dhahaa haweenka in aan waajib looga dhigin sameynta ganacsiga dharka, kabaha iyo niqaabka. Waxaan u keenay haweenka inay soo saaraan wax soo saarka caanaha, burcadka iyo caanaha garoorka, waxaana ay ka helaan dhaqaale wanaagsan oo ay ku noolaadaan, waana sii wadayaa kordhinta wacyigalinta kuwa kale ee igu hareeraysan, maxaa yeelay waxaan aaminsanahay faa’iidada ganacsiga” ayey tiri.
Xuquuqda haweenka
Haweenka Nayjer waa kuwo si gaar ah uga shaqeeya dhaqashada Ariga iyo Idaha, digaaga iyo gobolada qaar oo beeraha geela iyo lo’da ay ka howlgalaan, gaar ahaan wax soo saarka caanaha.
Iyada oo ay jirto horumar ay ka sameynayaan xuquuqdooda iyo xaaladahooda nololeed, misna weli waxa ay wajahaan caqabado badan oo dib u dhigaya horumarkooda oo u muujinaya kuwa daciif ah
”Weli qayb badan oo in wax laga qabto ay tahay ayaa jira, laakinse waxaan u malaynayaa dalkayga, dumarka aad baa looga tixgaliyaa, iyaga ayay tahay inay u dagaalamaaan boosas wanaagsan oo ah dhamaan heerarka kala duwan” ayay tiri Habsatou.
Inkasta oo ay ahayd wax aan caadi ahaan u jirin haweenku inay bilaabaan dhaqashada geela, marwo Wouro Habsatou ayaa maareysay inay dhisto laamaha ugu weyn ee wax soo saarka caanaha.
Hiigsigeeda xiga ayaa ah inay dhisto boqortooyo ganacsi oo ka gudubta xuduudaha qaranka si ay uga qayb qaadato hoos u dhigida fakhriga iyo shaqo la’aanta ka jira Nayjer.
”Riyadaydu waa in aan arko shirkadayda oo ku jirta liiska kuwa ugu waaweyn ee soo saara caanaha qaaradda Afrika, oo aan arko qanacsanaan buuxda oo macaamiishaydu ku qabaan tayada iyo tirada, si aan u hormariyo qaybta geela, maxaa yeelay waan ku haysanaa suurtaglnimadaas Nayjar.
Ugu dambayn waxaan jeclaan lahaa dhamaan haweenku inay noqdaan kuwo dhaqaale ahaan u madax banaan, dhamaystirana wanaagooda iyo tan qoyskooda si loo xaqiijiyo heerka shaqo la’aanta dalka ay noqto mid hooseysa sida ugu macquulsan” ayey tiri.