3rd March 2025  admin  Category :

Sida ay Ilhaan Cumar uga falcelisay in laga masaafuriyo Mareykanka iyo buuqa horta leh ee ka dhalatay

lhaan Cumar ayaa markii ugu horreysay ka falcelisay baaqa ka yimid xildhibaan ka tirsan Congress Mareykanka oo dalbanayay in iyada laga masaafuriyo Mareynkanka, oo dib loogu celiyo Soomaaliya.

Hadalka Brandon Gill oo kasoo jeeda gobolka Texas islamarkaasna xubin ka ah xubnaha Kongareeska ee Jamhuuriga ayaa yimid xilli uu Trump ku howlan yahay dhaqangelinta barnaamijkiisa masaafurinta ee xooggan.

Socdaalka iyo masaafurino badan ayaa aad ugu muhiimsanaa waxyaabaha ku jiray ololihii doorashada ee xisbiga Jamhuuriga ee kal hore, 2024.

Laakiin jawabta iyo sida ay Ilhaan Cumar uga falcelisay hadalka Kongareeska ninka kujira ee Gill ayaa dhaliyay dood kale, taas ka careysiiyay xubnaha aqalka Kongareeska Mareykanka iyo taageereyaasha madaxweyne Donald Trump.

Waa maxay jawaabta ay bixisay Ilhaan Cumar ee qeylada dhalisay

Xildhibaanka ku cusub Kongareeska Mareykanka Brandon Gill ayaa sheegay in Mareykanku noqon lahaa meel sida uu hadda yahay ka fiicnaan lahayd haddii Ilhaan loo masaafurin lahaa Soomaaliya oo halkaasi lagu celin lahaa. Gill ayaa sii kordhiyay baaqa masaafurinta Xildhibaan Ilhaan Cumar kadib wareysi ay Ilhaan ugu jawaabtay hadalka uu horey u yiri, isaga oo ku eedeynaya in aysan daacad u ahayn Mareykanka.

Wuxuu ka falcelinaayay muuqaal fiidiyow ah oo X lasoo dhigay oo uu kujiro wareysi ay bixisay Ilhaan oo katirsan xisbiga Demoqraadiga lagana soo doorto Minnesota. Qoraal uu halkaas soo dhigay ayuu ku yiri: “Waligeed maahayn inaan u ogolaano Ilhaan Cumar inay timaado dalkeena.”

Ilhaan oo wareysiga uga jawaabeysay hadal uu xildhibaan Gill horey ugu yiri CNN oo ahaa in la masaafuriyo, ayaa tiri: “Dadkani waa doqonno. Waxaan joogaa heer aan dareemayo in ay adag tahay in la la yeesho dood maangal ah sababtuna waa heerka nacasnimadooda. Waxay soo bandhigayaan maalin kasta waa wax laga xishoodo, maaha kaliya Kongareeska dhexdiisa laakiin Maraykan ahaan.”

“Xaqiiqda ah in dadkan loo oggolaaday inay ku hadaaqaan waxyaabo laga yaqyaqsado waxay kuu sheegaysaa nacasnimada Mareykanka timid. Sidee kale ayaan mar labaad ku heli lahayn madaxweynenimada Trump”.

Laakiin xubno ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa ka carooday wareysiga iyaga oo ku eedeeyay Ilhaan Cumar inay u gaftay dadka Mareykanka, si gaar ah taageereyaasha u codeeyay Trump, oo waxay ku eedeeyeen inay ku tilmaamtay inay yihiin nacasyo.

Dadka eedan jeediyay waxaa ka mid ah xildhibaan Greg Steube oo xisbiga Jamhuuriga ku metela kursi Kongarees oo laga soo doorto gobolka Florida. “Aqlabiyada dadka Maraykanku waa dad hawlkar ah oo caqli badan, laakiin dadka adiga oo kale ah oo ku dhaca been kasta waxay u ekeysiiyaan dadka Maraykanka kuwo doqono iyo nacasyo ah. Sidoo kale, waan necbahay inaan kuu sheego, laakiin Jamhuuriga ama dadka u codeeyay dambiilaha Aqalka Cad fadhiya ma ahan aqlabiyadda dalkeenna,” ayay tiri Ilhaan oo barta X ugu jawaabaysay XIldhibaan Greg.

Sida Ilhaan iyo xubnaha la midka ah looga eryi karo baarlamaanka Mareykanka

Ma ahan markii ugu horreysay ee xubnaha Jamhuuriga ay bartilmaameedsadaan Ilhaan Cumar, laakiin horey waxay badanaa u dalban jireen in laga eryo aqalka Kongareeska. Taas oo marwalba ah tan ka horreysa doonis walba oo la xiriirta musaafurinta Ilhaan Cumar, taas oo u eg wax aan marnaba dhici karin.

Haddaba, weydiintu waxaa weeye maxay qaadanaysaa in Ilhaan iyo xubnaha kale ee baarlamaanka Mareykanka laga ergo Congresska?

“Ma ahan wax fudud in xildhibaan la soo doortay laga eryo baarlamaanka. Way ka adag tahay doorashada,” ayuu yiri qareen Amiin Haruun oo ka howlgala Minnesota. “Waxay ka mid tahay arrimaha dhif iyo naadirka ah ee horey u dhacay.”

Saddex mudane oo lasoo doortay oo keliya ayaa laga eryay baarlamaanka Mareykanka boqol iyo lixdankii sano ee ugu dambeeyay. Xildhibaan George Santos – Jamhuurigii laga soo doortay New York oo looga maaro waayay beenlownimada islamarkaas ay ku socoto dacwada dowladda dhexe ee la xiriirta musuqmaasuqa, lacagta la dhaqay, xatooyada iyo xatooyadda aqoonsiga deeq-bixiyayaasha – ayaa noqday xildhibaankii ugu dambeeyay ee laga eryo golaha Congresska.

Labadii ka horreysay oo ka wada tirsanaa xisbiga Dimoqraadiga, James Traficant iyo Michael Myers, oo lagu helay dembiyo dhowr ah oo ay ku jiraan laaluush-qaadasho, islamarkaasna diiday inay iscasilaan ayaa laga eryay baarlamaanka Mareykanka sanadkii 2002 iyo 1980kii.

Waxay dhacdaa xaaladdo dhif iyo naadir ah. Waxay u baahan tahay isbiirsiga dhaqan xumo iyo u-adkeysi waayida ficilada xishood la’aanta ah.

Sidaas oo ay tahay, Dastuurka Mareykanka ayaa siinaya aqalka Congress awood weyn oo ay shaqada uga eryaan saraakiisha dowladda dhexe oo ay ku jiraan madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, laakiin ma leh awood taas u dhiganta oo ay xilka uga eryi karaan, si fudud xubnaha la mid ah ee loo soo doorto sharcidejinta.

Sababtu ma ahan wax kale, ee waa nidaamka sharciga dalkaas ayaa waxaa loo dhisay in lagu ixtiraamo rabitaanka cod-bixiyayaasha iyo xubnaha ay u doortaan baarlamaanka.

Xubno iskood waa isu casili karaan, laakiin in la eryo waxay u baahan tahay inay u codeeyaan aqlabiyadda aqalka Congress, tiro u dhiganta labo meel saddex meelood xubnaha Congress. Waa shaqo aan si fudud lagu qaban karin.

Sidaas oo ay tahay, xubinta laga eryayo Congress uma baahna inay gasho dembi, ama ay jabisho sharciga. Laakiin waa in la helaa saddex meelood, labo meel cododka aqalka si loo eryo.

Jidkaas oo la maro ayaa Ilhaan Cumar looga eryi karaa aqalka Congress, waase howl u eg in aysan marna dhici doonin sababtoo ah xubnaha xisbiga Republican ma heli karaan codad ku filan oo ay Ilhaan uga eryaan Congress, si la mid ah siddii ay uga eryeen guddiga awoodda badan ee arrimaha dibeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*