
22nd February 2025 admin Category :
Maxaa sababay sare u kaca Islaam Naceybka ee UK, sideese u saameyay dadka ay Soomaalidu ka mid tahay?
Khatarta islaam nacaybka UK ayaa sare u kacday ilaa heerkii ugu sareeyay sanadkii hore, sida uu sheegay urur la socda arrimaha Islaam neceybka.
Ku dhawaad 6,000 oo warbixin oo la diray ayaa lagu xaqiijiyay inay yihiin dhacdooyin ka dhan ah Muslimiinta, taas oo ka badan laba jibaar tiradii labo sano ka hor.
Ururka ayaa warbixintiisa waxa uu ku sheegay in ay jireen “hadalo badan oo si been abuur ah ugu muujinaya Muslimiinta in ay yihiin argagixiso ama taageereyaal argagixiso” ka dib iskahorimaadka Israel iyo Gaza iyo dilalkii Southport.
Afhayeen u hadlay dowladda ayaa natiijada ku tilmaamay “mid aad u khuseysa” wuxuuna sheegay inay ” ku dedaali doonaan sidii meesha looga saari lahaa nacaybka iyo cunsuriyadda ka dhanka ah Muslimiinta meel kasta oo ay ka dhacdo”.
Wadar dhan 6,313 kiis oo naceyb ah ayaa ay diiwaan galisay Tell Mama sanadkii 2024, taasoo ah koror 43% ah sanadkii hore – iyadoo 5,837 ka mid ah warbixinada ay xaqiijiyeen kooxda.
Ururkan oo isku tilmaama in uu yahay hay’adda hormuudka ka ah la socodka dambiyada nacaybka ka dhanka ah Muslimiinta, ayaa sheegtay in ay diiwaan geliyeen kor u kac aad u sarreeya oo ku saabsan dhacdooyinka khadka tooska ah, iyada oo 3,680 xaaladood la soo sheegay – 72% ayaa kordhay tirada laba sano ka hor.\
Weerarada ka dhanka ah Muslimiinta ayaa ku soo badanaya UK ka dib labadii dil ee ka dhacay Southport bishii Luulyo ee la soo dhaafay iyo bilowgii iskahorimaadka Israel iyo Gaza ee Oktoobar 2023.
Sida warbixinta lagu sheegay, in ka badan kala bar dhacdooyinka internetka ee Islaam nacaybka ayaa dhacay sannadkii hore ka dib markii saddex gabdhood lagu dilay fasalka qoob ka ciyaarka ee Southport. Inta badan dhacdooyinka ayaa ka dhacay barta bulshada ee X – oo hore loo oran jiray Twitter.
Maxaa Islaam nacaybka UK heerkaas gaarsiiyay?

Sheekh Cismaan Usuuli ayaa sheegay in sida muuqato uu kordhay Islaam naceybku hase-yeeshee waxaa uu tilmaamay in ay jiraan waxyaabo ka qayb qaatay oo mararka qaar ka badbadis ah.
“Qolada warbixinta baahisay waxay leeyihiin wuu kordhay Islaam naceybku marka loo eego sanadihii 2003-dii iyo 2004-tii,” ayuu yiri Sheekh Usuuli.
Sheekh Usuuli ayaa intaa raaciyay in dhacdooyinka qaar lagu dabaqo waxyaabo mararka qaar aaney dad Muslimiin ah gaysan.
“Dhacdooyinkaan intooda badan markii dhawaan Ingriiska lagu dilay saddex gabdhood, oo warbixino xumada qolyahay baraha bulshada ay ka dhigeen in nin Muslim ah uu dilay, mana aheyn nin Muslim ah,”.
“Islaam naceybku waa jiraa, laakin marka dhacdo timaadoayay dhacdadaas xoojisaa, markaad fiiriso guudahaan Yurub oo dhan ama xitaa Ingiriiska, dadkii cunsuriyiinta ahaa oo da’da ahaa, way dhamaanayaan, dhalinyaro yaryar oo isku milantay oo isku guursada ayaa soo badanaya, laakin warbaahinta ayaa buunbuunisa,”.
Sheekha ayaa intaa ku daray in tallaabooyinka ka dhanka ah Islaam naceyn aan mararka qaar lala xiriiri karin arrimaha Qasa, oo dadka qaar ay sheegayaan in si uun la isugu dhajiyo, isagoo bidhaamiyay in ay tahay arrinta Qasa mid Insaanka oo dhan wada taabatay oo aysan ahayn wax cid gaar ah ay ka xanuusato.
Dadweynuhu waa inay “si wada jir ah uga hortagaan nacaybka iyo xagjirnimada”, ayay tiri Iman Atta, oo ah maamulaha kooxda, waxayna ku boorisay kuwa saamaynta ku leh “inay ka fiirsadaan sida afkoodu khatar ugu yahay bulshada”.