1st February 2025 admin Category :
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda PuntlandH.E Abdirahman Khaliif Faarah ayaa la shiray
Wasiirka ayaa guddiga qaxootiga iyo magalya-doonka ku adkeeyey inay nabadda kala shaqeeyaan laamaha Dawladda Puntland iyo inay iska qabtaan qofkii ay ka dareeman inuu halis ku yahay nabadgelyada guud ee wadanka.
Sidookale, Wasiirka ayaa guddiga qaxootiga la wadaagay wareegtadii ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland taas oo ku saabsanayd khataraha ay keeni karaan dadka sida sharcidarada ah ku soo gala
Deegaanada Puntland iyo in laga hawlgalay maanta oo taariikhdu tahay 26 Jannaayo 2025.
Guddiga Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka ( Asylum Seekers ) waxay shirka ka cadeeyeen inay dhankooda nabadgelyada kala shaqaynayanaan laamaha amniga Dawladda Puntland.
Shirka waxaa Wasiirka ku weheliyey Agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada Beexaani Axmed Barre iyo La taliyaha farsamo ee Waaxda Ibraahim Axmed Maxamuud.
▪︎
.