12th January 2025 admin Category :
Sawirro muujinaya saameynta dabka Los Angeles iyo sida uu magaalada u baabi’iyay
Waa sawirro awood badan oo ku saabsan burbur, khasaaro iyo geesinnimo.
Dabka ayaa aad ugu faafay Los Angeles, isagoo kumannaan qof ku qasbay inay qaxaan iyagoo badqabkooda u baqaya wuxuuna sidoo kale burburiyay guryo ad u qurux badan iyo kuwo kharash badan uu ku baxay.
Iyadoo dabku uu sii faafay, sawirradan xoogga badan ayaa inoo sheegaya sheekooyin ku saabsan baqdin, murugo iyo niyad-jab iyo dadka oo garab isku siinaya magaalada California.
Calaamadda ugu horreysa ee walwalka ay dad badan qabeen ayaa ahayd qiiqa adag ee kasoo baxayay buuraha aagga Pacific Palisades ee magaalada Los Angeles, oo xad la leh Santa Monica iyo xeebta caanka ah ee Mal
🚨 #BREAKING: A MASSIVE wall of flames is on the verge of incinerating homes in Brentwood, Los Angeles
— Nick Sortor (@nicksortor) January 11, 2025
This is getting WORSE—NOT better—despite the fact these fires have been raging for several days now.
At least 12,000 structures have been reduced to ash, and if they can’t… pic.twitter.com/mJgnfvZiKP
Dadka LA ayaa la qabsaday dabka balse dabkan Palisades degdeg ayuu u faafay iyadoo waxba laga qaban waayay. Cimilada qallalan iyo dabeylaha xooggan ayaa dabka sii holciyay waxayna adkeeyeen in wax laga qaban waayo.
Dadka ayaa lagu amray inay guryahooda isaga baxaan. Qaar ayaa keliya heystay daqiiqado ay ku qaataan alaabahooda qaaliga ah ayna isaga baxaan