7th January 2025  admin  Category :

Maxaad ka taqaan 10ka maalqabeen ee ugu taajirsan Afrika

Waxay aad ugu dadaaleen inay gaaraan halka ay maanta joogaan, shaqsiyaadkan ayaa ah ka mid ah kuwa ugu taajirsan dunida iyo qaaradda Afrika.

Waxay juhdi badan ku bixiyeen in aysan niyad jabin, inkastoo ay jireen arrimo caqabado ku ah oo soo foodsaaray, sicir bararka oo cirka isku shareeray dalalka qaar, qiime dhaca lacagaha qaar, xaaladaha adag ee suuqyada qaarkood IWM.

Bilyaneerrada Afrikaanka ah, ee aan ka hadlayno, waxaa u suurto gashay inay gaaraan taajirnimadaas ayagoo ka faa’iidaystay fursadaha ganacsi ee laga helayo qaaradda iyo meelo kale oo dunida ah.

Waxaan halkan idinkugu soo gudbinaynaa liiska 2024 ee jaantuska bilyaneerrada ee Bloomberg ee ah dadka hantidoodu gaarayso ilaa 10 bilyan oo doollar.

Liiska waxaa ugu horreeya Johann Rupert oo u dhashay koofur Afrika. Wuxuu ka hormaray maalqabeenka shamiintada ka ganacsada ee Nigeria Aliko Dangote oo kaalinta 2aad ku jira.

Hantida Rupert waxay sare u kacday sannadkan $1.9 bilyan, ayadoo ganacsadaha Nigeria uu hoos u dhacay $1.7 bilyan sida laga soo xigtay Bloomberg.

1. Johann Rupert

Rupert

Hantidiisa waxaa lagu qiyaasaa $14.3 bilyan, waxaana ninkan Afrika ugutaajirsan uu aabihii ka dhaxlay saamiyada shirkadda Remgo, isagoo sidoo kalena koontaroola Richemont, oo ah mid ka mid ah shirkadaha sameeya badeecadaha lagu raaxaysto ee dunida, waxaana ka mid ah barafuunnada caanka ah ee Montblanc iyo Cartier.

Johann Rupert wuxuu sii horumariyey wixii uu aabihii ka dhaxlay, wuxuuna ka dhigay kambaniyo balaayiin doollar ku kacaya oo sameeya waxyaabaha lagu raaxaysto. Dhowr abaalmarin ayuu ku helay hawlihiisa ganacsiga.

Waxaa intaa dheer hanti uu ku leeyahay London iyo Geneva, wuxuuna ku nool yahay qasri uu ku leeyahay Cape town. Waxaa kaloo xusid mudan inuu u ololeeyey in la soo afjaro xukunkii cadaanka tirada yar ee Koofur Afrifa.

2. Aliko Dangote

Dangote

Walow ay hantidiisa kor u kacday $400 malyan 2023, Aliko Dangote, oo lagu qiyaaso hatidiisa 13.4 bilyan oo doollar, wuxuu waayey kaalintiisii 1aad, wuxuuna noqday qofka labaad ee ugu taajirsan Afrika 2024.

Ganacsadahan 66 jirka ah ee u dhashay Nigeria ee aasaasay Dangote Group ayaa lacagta ka sameeyey Shamiintada iyo Sokorta. Wuxuu sannadkii hore magaalada Lagos ka furay warshad saliidda sifaysa.

Shamiintada Dangote waa tan ugu horreysa Afrika, isagoo ka shaqeeya ilaa 10 dal oo Afrikaan ah. Shirkaddu waxay soo saartaa 50 malyan oo tan oo shamiinto ah sannadkii. 2023 ayaa la furay warshadda sifaynta batroolka ee Lekki, waana goobta Afrika ugu weyn ee laga soo saaryo kiimikada batroolka ee Afrika, waxaana lagu wadaa inay sannadkii soo saarto dakhli ilaa 30 bilyan oo doollar ah.

Dangote ayaa kaalinta labaad galay sababo la xiriira hoos u dhaca lacagta Nigeria ee Naira iyo mushaakilka dhaqaale ee dalkiisa haysta.

3. Nicky Oppenheimer

Nicky Oppenheimer

Waa ganacsade kale oo u dhashay koofur Afrika. Wuxuu leeyahay dhul aad u baaxad weyn oo loo asteeyey inuu noqdo meel u gaar ah dabeecadda, wuxuuna ku yaallaa Zimbabwe iyo Botswana.

Baaxadda dhulkiisa waa 187,000 oo hectar.

Nicky Oppenheimar wuxuu ka soo jeedaa qoyska aasaasay De Beers, shirkadda ugu weyn dunida ee qodista iyo ka ganacsiga dheemanka.

Wuxuu saamiyada ugu badan ku leeyahay shirkadaas oo ah kuwa Anglo-American-ka ah, waana koox uu aasaasay awoowgiis oo saamigii uu ku lahaa De Beers ku iibiyey $5.1. Hantida Nicky Oppenheimar ayaa lagu qiyaasaa 11.3 bilyan oo doollar.

4. Nassef Sawiris

Nassef Sawiris

Marka laga yimaado hantidiisa ugu weyn, OCI NV, oo ah warshadda ugu horreysa ee soo saarta kiimikada bacriminta, bilyaneerkan Masar u dhashay wuxuu kaloo raasumaal ku leeyahay shirkadda shamiintada ee LafargeHolcim, astaanta isboortiga caanka ku ah ee Adidas, iyo kooxda caayaraha ee Madison Square garden.

5. Nathan Kirsh

Nathan Kirsh

Waa taajirka ugu da’da weyn Afrika (waa 96 jir), asal ahaanna wuxuu ka soo jeedaa Eswatini, halkaasoo uu ka qayb qaato horumaarka dalkaas saboolka ah, isaoo ku caawiya ganacsiga heerkiisu hooseeyo.

Wuxuu lacagtiisa ka sameeyey ganacsiga galleyda horraantii lixdameeyadii.

Wuxuu markaa ka dib abuuray wax hadda loogu yeero Brooklyn’s Jetro Cash & Carry, waana xarun ku takhasustay iibka jumlada ee ay qaataan dukamada iy makhaayadaha.

Hantidiisa waxaa lagu qiyaasaa $9.22 bilyan.

6. Naguib Sawiris

Naguib Sawiris

Hantidiisa waxaa lagu qiyaasaa $7.32 bilyan. Wuxuu dhashay 1954, waxaana uu yahay wiilka nin warshadaha ka shaqaysan jiray – Onsi Sawiris. Naguib wuxuu ka shaqeeyey inla sameeyo Orascom oom hormuud ka ah shirkadaha tiknoloojiyada ee dunida.

Ganacsadahan bilyaneerka ah ee u dhashay Masar wuxuu hantidiisa ka sameeyey macdan qodidda, isagoo aasaasay kooxdii ugu horreysay ee macdan ka qodda galbeedka Afrika.

Wuxuu kaloo qayb weyn ka qaatay 2011 kacdoonkii dalkiisa ka dhacay. Waa nin siyaasadda ku jira, wuxuuna mucaaradsan yahay akhwaanul muslimiinka.

7. Mike Adenuga

Mike Adenuga

72 jirkan Mike Adenuga wuxuu ku dhashay Ibadan, Nigeria, waana ninka 5aad e Afrika ugu taajirsan. Wuxuu dhaxal u helay warshadda badarka shiidda ee qoyskiisa sannadihii todobaatameeyadii.

Waa shaqsi aad uga dhex muuqda ganacsiga dunida, waxaana lagu naaneysaa “dahab qode”.

Hantidiisa waxaa lagu qiyaasaa $6.9 bilyan. Shirkadiisa Conoil waxay ka shaqaysaa saliidda. Wuxuu kaloo ka shaqaystaa maalgelinta, isagoo leh bankiga Sterling bank.

8. Abdulsamad Rabiu

Abdulsamad Rabiu

Hantidiisa badankeed waxay ka soo jeedda ganacsiga shamiintada, beeraha, qalabka dekedaha iyo dhulalka iyo guryaha iyo Shirkadiisa BUA Group.

Shaqsigan oo ah kan 6aad ee ugu taajirsan Afrika waxaa u suurto gashay inuu hay’adda IMF ka helo deyn gaaraya ku dhawaad $500 malyan.

Taasi waxay u suurto galisay inuu balaariyo warshadiisa shamiintada ee ku taalla waqooyiga Nigeria oo uu gaarsiiyo inay noqoto mid soo saarta 6 milyan oo tan sannadkii.

Hantidiisa waxaa lagu qiyaasaa $5.9 malyan.

9. Mohamed Mansour

Mohamed Mansour

Maxamed Mansuur ayaa 2006 ilaa 2009 soo noqday Wasiirka Gaadiidka ee Masar xilligii Madaxweynihii hore ee Xusni Mubaarak.

Waxa la sheegaa in uu saboolnimo ka soo kacay, ama si kale haddii loo yiraahdo inuu meel eber ah ka bilaabay ka dibna uu noqday madaxa kooxda hodanka ah ee Mansour Group, isaga oo haysta hanti gaar ah oo dhan 3.2 bilyan oo doolar.

Shirkaddiisu waxay shaqaaleysiisaa in ka badan 60,000 oo qof waxayna Masar ku leedahay xuquuq qaybin gaar ah oo loogu talagalay kooxaha Ameerikaanka ah ee General Motors, Caterpillar iyo McDonald’s.

Wiilkiisa Loutfy ayaa madax ka ah Man Capital, kaas oo maalgashi u sameeya koox shirkado ah. Maxamed waxa uu leeyahay walaal bilyaneer ah oo isna saami ku leh shirkadda qoyska.

Maxamed Mansuur ayaa 2006 ilaa 2009 soo noqday Wasiirka Gaadiidka ee Masar xilligii Madaxweynihii hore ee Xusni Mubaarak.

10. Koos Bekker

Koos Bekker

Waa guddoomiyaha shirkadda warbaahinta koofur Afrika ee Naspers. Shirkadiisu wazay ka shaqaysaa 130 dal, waxayna ka liis garaysan tahay suuqyada saamiyada ee London iyo Johannesburg.

Sannadkii 2000, wuxuu $32 malyan ku maalgeliyey suuqa shiinaha, gaar ahaan adeegga farriimaha, gaar ahaanna Tencent oo markaas billow ahayd.

Maalgelintaas shirkadda shiinaha ayaa soo gelisay $100 malyan 20 sano ka dib.

Hantidiisa gaarka ah ayaa lagu qiyaasaa $2.7 bilyan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*