15th October 2024  admin  Category :

Kumuu ahaa abwaankii sameeyey heesta “Guulwadow Siyaad, aabbihi garashada” ee geeriyooday?

Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo ku geeriyooday Allaha u raxmadee abwaan Xasan Xaaji Muxumed (Xasan Guulwade) oo ka mid ahaa abwaaniintii waaweynaa ee Soomaaliya.

Xasan Guulwade, ayaa ka mid ahaa kaadirintii waaweynaa ee dowladdii kacaanka ee u hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre oo dalka Soomaaliya xukun militari kula wareegay sanadkii 1969-kii.

Wuxuu ka mid ahaa abwaaniintii suugaantooda ku ammaanay sidii dowladdii militariga iyo dhalinyaradii bilowgiiba soo dhaweeyey in ciidamadu ay xukunka la wareegeen sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Faarax Ciise oo ay muddo dheer is yaqaanneen abwaanka.

Abwaanka oo ay isku jiil ahayaayeen ayaa ku sifeeyey inuu ahaa dhaqan-ruug ku darsaday samaynta miro dhaxal reebay.

Ka sokow inuu abwaan ahaa wuxuu sidoo kale beeshiisa u ahaa suldaan dhaqan sida uu isagu horey u sheegay.

Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, oo siddeetameeyadii wasiir ku xigeen ka noqday dhowr wasaaradood oo dowladdii militariga muddo ka badan 50 sano ay is yaqaaneen abwaan Guulwade, ayaa ku tilmaamay inuu ahaa dadkii la dhacay nidaamkii ciidamada markii ay talada dalka la wareegeen.

Guulwade

Wuxuu sheegay in heesta Guulwadoow Siyaad oo uu sameeyey abwaan Xasan Guulwade ay noqotay sida Ggaashaan sheegay “Astaanta kacaanka” oo ay naadir ahayd xaflad kacaan oo aan laga qaadin heestaas.

Isagoo ka hadlayey shakhsiyaddiisii gaar ahaaneed ayuu Maxamed Faarax Ciise ku sheegay inuu ku yaqaanay, “Alllaha u naxariistee waxaan ku aqaannay kuna tilmaami karayaa nin niyadsan oo dalkiisa jecel wixii ku xun dalka ka gubana, wuxuuna ka mid aha abwaanadii bulshada indaha u ahaa,” ayuu BBC-da u sheegay Gaashaan.

Abwaan Siciid Xarawo iyo abwaab Cali Dhuux, oo ay isku jiil ahaayeen ayaa BBC-da u sheegay in abwaan Xasan Guulwade uu ahaa suugaan yahayan si weyn suugaantiisa ugu taageeray kacaankii xilligaas tallada dalka hayey.

“Nin suugaan yahana ayuu ahaa oo gabya oo heesa sameeya waliba intaasi ay u dheertay nin siyaasi ayuu ahaa oo heer degmo ilaa heer gobol madax ka noqday, nin kacaana ayuu ahaa”ayuu yiri abwaan Cabdi Dhuux.

Guddoomiyaha golaha abwaaniinta Soomaaliyeed abwaan Xirsi dhuux Maxamed Weliye, oo xilliyadii danbe ay wadashaqayn yeesheen Guulwade, ayaa ku tilmaamay inuu ahaa nin dabeecad, dowladyaqaan iyo dad la dhaqan lahaa.

Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure – oo ah maareeyaha Tiyaatarka Qaranka ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in abwaan Xasan Guulwade uu ahaa nin Qaran.

Suugaantiisa caan baxday

Abwaan Xasan Xaaji Maxamuud Guulwade, wuxuu lahaa suugaan miid ah oo caan ka dhex noqotay giyaga Soomaalida, heesaha uu alifay ee sida weyn looga yaqaan ilaa toddobaaneeyadii waxaa ka mid ah heestii uu amaanka ugu mayray madaxweynihii dowladdi kacaanka Maxamed Siyaad Barre, heestaas oo la yiraahdo “Guul wadoow Siyaad”.

Waa hees markii danbe isaga ku sidkanaatay magaciisa naanays ahaan loo raaciyey Xasan Guulwade.

Guulwadayaashu waxay ahaayeen dhalinyaro kooxo ah oo si indho-la’aana u ayidsanaa maamulkii xilligaas xukumayey dalka sida dadka dhaliila ay sheegaan.

Ereyada heesta Guulwadoow waxaa ka mid ahaa qaybtan.

  • Guul wade Siyaad, Aabbihii garaasha gayigayoow
  • Hanti-wadaaggu waa habkaa, barwaaqo noo horseedayee
  • Buulaankaas baxaaya, nuurkaas bidhaamayaa
  • Waa barbaartiyo shaqaalahoo is biirsadoo
  • Ballan-qaaday inay dalkeenna, barwaaqo gaarsiiyaan

Intii burburku ka dhacay Soomaaliya sanadkii 1990-yadeedii, abwaanka ayaa xilligaas alifay gabay uu kaga hadlay ciidamadii shisheeye ee Maraykanku hoggaaminayey.

Gabayada uu allifay oo kale waxaa ka mid ahaa gabaygii “Garo ama ha Garan” oo abwaanku sheegay inuu xambaarsan yahay wadaniyadda laakiin sarbeeb uu ku sheegay.

Waa kuma Abwaan Xasan Guulwade?

Guulwade

Sida uu isagu sheegay intii uu noolaa, Xasan Xaaji Maxamuud Guulwade wuxuu dhashay bsihii June 27-keedii sanadkii 1949-kii.

Sida uu BBC-da u sheegay Maxamded Faarax Ciise Gaashan oo ay ka wada mid ahaayeen dhalinyaro si laab furnaanta u soo dhaweeyey militarigii dhammaadkii lixdameeyadii ayaa sheegay inuu sidoo kale door ku lahaa marka laga soo tago suugaantiis barnaamijyadii iskaa wax u qabso ee lagu dhisi jiray xarumaha dowladda.

Abwaan Xasan Xaaji Maxamuud Guulwade ayaa ka mid ahaa abwaanadii an ka bixin dalka markii colaada sokeeye ka dhacaday isagoo in muddaa ku noolaa deegaanada Puntland basle waayadii danbe ku nagaaday magaalada Muqdisho oo aakhirkii ku geeriyooday.

Wuxuu ahaa aabbe, iyo awoowe.

Waxaa suugaanta u dheerayd dhanka siyaasaddda isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay heer maamul dowladdii kacaanka.

Dadka yaqaanay waxay ku tilmaameen in dowladnimadu wax walba kala waynayd.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*