21st September 2024  admin  Category :

Shidaalka ugu horreeya oo laga qodi doono Mareeg ilaa Hobyo (WARBIXI

Shidaalka ugu horreeya oo laga qodi doono Mareeg ilaa Hobyo (WARBIXIN)

Sannadkii 2020-kii, shirkadda sahaminta ee Norway, TGS, ayaa ku qiyaastay in qeyb ka mid ah badda Soomaaliya uu ku jiro keyd Saliid oo ku dhow 30 Bilyan oo Barmiil (Fuusto), oo leh keyd dheeraad ah oo badda ah, in kasta oo qiyaasaha dhulku ay aad u yar yihiin. Si kastaba ha ahaatee su’aal kama taagno in Soomaaliya ay ku fadhido keyd shidaal oo weyn, bad iyo berriba, balse weli lama hayo qiyaas rasmi ah oo lagu tiirsanaan karo, taas oo sida oo kale sheegi karta tiro fuustooyin ah oo guud ahaan ku jirta dhulka iyo badda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dabayaaqada sannadkan 2024-ka billowdo qodista Ceelkii shidaalkii ee ugu horreeyay dalka laga soo saaro, iyadoo shirkadda qandaraaska lagu siiya ay durba bilowday in ay asteyso meesha ugu haboon ee laga duleelin karo Ceelka ugu horreeyay ee shidaalka laga soo saari doono, kaasi oo ku yaal Aagga ku aadan xeebta Mareeg ee Degmada Ceeldheer, Degmada Xarardheere iyo Degmada Hobyo, kuwaasi oo ka kala tirsan Gobolada gobolka Galguduud iyo Mudug.

Soomaaliya hadda waxay mareysaa meeshii ugu fiicneyd, taasi oo aan tusaale u soo qaadeynaa nabadda iyo xasilooni siyaasadeed ee ka jirta dalka, dowlad hadaad maqasho waa shacab iyo dowlad iskaashaday, iyo dhanka kale waxaa dalka loo sameynayaa shuruuc kala duwan, marka intaasi laga gudbi ayaa waxaa loo tilaabsanayaa in laga faaideyso kheyraadka dalka ku jira.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka qeybgalay kulanka todobaadka Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aysan jirin shirkad si gaar ah heshiis loola galay oo soo saaareysa shidaalka dalkeena, balse uu jiro tartan furasn oo fursad u ah shirkadaha caalamiga ah. “ Deegaanno ka mid ah Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya waxaa ku jira ama dhex ceegaaga Gaas iyo Batrool is dul saran, lagamana helo caalamka shidaal noocaas oo kale ah”.

“Maanta oo aan helnay shidaal waxaa loo bahan yahay in laga faa’ideysto soo saarista kheyraadka ku jira badda iyo berrigga si aan u gaarno horumar boqolka sano ee soo socda”, ayuu yiri Wasiirku. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS waxa uu ka dalbaday shirkadaha caalamiga ah in ay ku soo dhiiradaan dalka, islamarkaana ay la yimaadaan kalsooni dhab ah oo lagu qabi karo shaqadooda”, sidaasi waxaa yiri:- Mudane Cumar Maxamed.

“Soomaaliya sanadkii 2014-kii ayaa laga sameeyay sahan shidaal oo qiimeyn ah, taasi oo laga bilaabay degmadooyinka Hobyo ilaa iyo Kismaayo, waxaana la ogaaday in dalkeenna uu ku jiro 30 Bilyan oo shidaal ah, ilaa muddadaasi waxaa laga shaqenayay sidii loo soo saari lahaa yo shuruucdii lagu soo saari lahaa, iyadoo sharciga shidaalka la ansixiyay sanadkii 2020-kii”, sidaasi waxaa yiri:- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batrool iyo Macdanta Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey).

Sahanadaasi ayaa waxaa lagu ogaaday ama la diyaariyay 16 Block ama Xirmo oo Seddex iyo Toban ka mid ah ay tahay gudaha Badda, halka Seddex Xirmo oo ka mid ah ay tahay dhulka, waxaana lagu wadaa in Bish Oktoobar bilowgdeeda in uu dalka iman doona Markab ay dowladda Turkiye leedahay, iyadoo 3 block ama Xirmo oo ka mid ah qaatay, sidii loo sameyn lahaa sahankii qiimeyntii ugu dambeysay, kuwaasi ama Xirmooyinkaasi oo ku yaalla xeebta Mareeg iyo Xarardheere ilaa iyo Hobyo, sahankaasi waxaa lagu sameynayaa ilaa iyo hal bil, kadib waxaa la filaa in Markabkii shidaalka soo saari lahaa oo isna la filaayo inuu yimaado goobahaasi inta u dhaxeya bilaha Janaayo iyo Febraayo, wuxuuna heli doonaa barta Ceelka laga qodayo, si uu u bilaabo qodista iyo soo saarista shidaalka, sida uu sheegay Agaasime Maxamed Xaashi Carabey.

“Bisha Febraayo 2025-ka waxaa shidaalkii ugu horreeyay laga qodi doonaa deegaanka Cigo ee Degmada Ceeldheer ee Bariga Gobolka Galguduud ee Maamulka Galmudug”, sidaasi waxaa yiri:- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Maxamed Xaashi Carbeey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*